“Kulmiye wuxuu Cadeynayaa inuu wada-hadal Diyaar u Yahay, Diiwaan-gelintana, Halkii La isku Ogaa ka Taagan Yahay”

0
432

“Xeerka qabyada ahna waxaanu soo jeedinaynaa in majarihii sharci loo daayo”

Hargeysa, (Dawan)- Hoggaanka xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE  ayaa jawaab ka bixiyay eedaymo ka soo yeedhay  labada xisbi mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID oo sheegay in xukuumadda iyo xisbul-xaakimka KULMIYE ay ka baxeen wada hadal lagaga faaqidi lahaa khilaafka ka taagan diiwaan-gelinta madaniga ah.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay inaanay xisbi ahaan ka bixin heshiiskii ay wada gaadheen axsaabta, komishanka iyo qaadhaan bixiyeyaasha, isagoo xusay in ballanta xisbiyadu ay sheegeen ay tahay mid ay hore uga cudur-daarteen, isla markaana ay u sheegeen inay xisbi ahaan isku noqonayaan oo ay ka tashanayaan.

Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay inay xisbi ahaan wada-hadal diyaar u yihiin, arrinta diiwaangelintana ay ka taagan yihiin halkii hore la isugu ogaa.

War-saxaafadeed kasoo baxay xarunta xisbiga Kulmiye oo uu ku saxeexan yahay guddoomiye ku-xigeenka koowaad Maxamed Kaahin Axmed ayaa u qornaa sidan:  “Xisbiga Kulmiye isagoo tixgelinaya wada-hadalladii muddada dheer u soo daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka iyo diiwaangelimaha, xisbiga Kulmiye marna kamuu bixin wixii ay ku heshiiyeen axsaabta qaranku, komishanka iyo qaadhaan bixiyeyaasha.

Axsaabta mucaaradka ah waxay noo joogtay annagoo ka dooddayna is-waafajinta aragtiyaha kala duwan ee laga qabay xeerka qabyada ah ee horyaala golaha wakiillada.

Halkaa iyadoo arrintu taagan tahay ayay xisbiyadu mucaaradku soo saareen go’aan ku qaadaceen diiwaangelinta madaniga ah.

Waxa noo xigtay shalay 16/September/2014 inay nala soo xidhiidhaan oo isla galabtiina  ay ballan noo qabtaan, annaguna  waxaanu u soo jeedinay inay dagdag tahay xisbi ahaan inaanu iska aragno, iyagana ajendaha iyo madasha isla meel dhigno.

Isla xalayna (habeen hore) waxay soo saareen eedayn ay nagu eedaynayaan inaanu ballan kaga baxnay.

Xisbiga Kulmiye wuxuu ummadda u cadeynayaa inaanu wada-hadal diyaar u nahay, labada diiwaangelinoodna, halkii la isku ogaa ka taaganahay. Xeerka qabyada ahna waxaanu soo jeedinaynaa in majarihii sharci loo daayo.”

By: Siciid M. Askar

Leave a Reply