Obama oo ku tilmaamay Halis Cudurka Ebola

0
494

Madaxweyne Obama ayaa cudurka Ebola ee faraha ba’an ku haya galbeedka Afrika halis ku tilmaamay halis oo wajahday amniga caalamka isla markaana u baahan jawaab caalami ah.

Obama waxa uu ku dhawaaqay doorka mareykanka ee la dagaalanka cudurkani dilaaga ah.
Tallaabooyinka uu Obama shaaciyay waxa ka mid ah 3,000 oo askari oo loo dirayo gobolka iyo in la dhiso xarumo caafimaad oo cusub.
Cudurka Ebola ayaa sanadkan oo kaliya waxa uu galaaftay nolasha 2,461 oo qof halka kala badh intaa oo kale ay qabaan caabuqa dhaliya cudurkani, sida ay sheegtay hay’adda WHO.
Madaxweyne Obama waxa uu sheegay in faafidda cudurkani uu faraha ka baxay isla markaana dadka bukaanka ah ay iska dhimanayaan.
Obama waxa uu ugu baaqay waddamada kale ee caalamka in ay la yimaadaan tallaabooyin ay uga hortagayaan cudurkani maadaama uu sababi karo saameyn siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid amni.
 
 

Leave a Reply