Koofurta Sudan oo Go’aamo Is burinaya ka soo Saartay Shaqaalaha Ajnebiga ah

0
457

Dowladda Koonfurta Suudaan ayaa shaacisay sharci dhigaya in hay’adaha aan dowliga ahayn iyo shirkadaha ganacsi ee ajaaniibta ay leeyihiin ee dalkaasi ka howlgala in dhammaan shaqaalahooda ay ka dhigaan muwaadhiniinta dalkaasi Konfurta Suudaan. Haseyeeshee amar kale oo soo baxay shalay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay kaa hore.
Konfurta Suudaan waxaa ku nool kumanaan shaqaale ajaanib ah oo ka sheqeeya hay’adaha samafalka iyo shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay.
Sida ay sheegtay dowladda Konfurta Suudaan, amarkani waxa uu dhaqan galayaa bartamaha bisha soo socota ee October. Haseyeeshee go’aanka danbe ee soo baxay maalin kadib kaa hore ayaa sheegay in aaney jirin siyaasad ay leedahay dawladdu oo dalka lagag saarayo taariikhdaa shaqaalaha ajnebiga ah.

Leave a Reply