Khasaarihii Ka Dhashay Mudaharaadkii Ka Dhacay Gabiley Iyo Bandoo Xalay Lagu Soo Rogay Magaaladda

0
417

“Waxa Arrintan ka faa’iidaystay Xisbiyadda Mucaaridka ah oo u dhigay arrinta In Xukuumaddu dayacday labadan sarkaal Ee Dhintay”
 
“Waxa Jira Dad Aan Badnayn oo u xidhan Mudahaaraadkii iyo rabshadihii inay kaalin ku lahaayeen”
 
Gabilay(Dawan):- Mudaharaad rabshado watay ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacay magaaladda Gabiley, ka dib markii Boqolaal dhalinyarro iyo Haween  iskugu jiray ay ka gadoodeen dilkii laba habeen ka hor  askari ka tirsan ciidanka qaranku uu degmadda Qori-Lugud  ku dilay laba sarkaal oo ka tirsanaa guutadda 17-aad ee ciidanka qaranka,iyadoo dad dano gaar ah lihi ay faafiyeen in askariga dilkaasi geystay inta la qabtay la sii daayay. Taasina ay sabab u noqotay in mudaharaad balaadhan oo saacado xanibay isku socodka gaadiidka iskaga kala goosha Hargeysa, Gabiley, Wajaalle Iyo Boorame hakad galay.
Mudaharaadkaasi waxa ku dhintay ilmo yar, ka dib markii Gaadhi Jaadle ah oo ka cararayay in la boobaa uu jiidhay ilmahaas yar  iyo Hooyadii oo ka tallaabayay wadada.Waxa kale oo mudaharaadkaasi dhaawacyo fududi ka soo gaadheen 7 dhalinyarro ah iyo dhawr askari oo ciidanka Booliska ka tirsan.
Guddoomiyaha Gobolka Gabilay Mustafe  Cabdi Ciise  (Shiine)  oo  xalay khadka Telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN, ayaa  sheegay in muddaharaadku  uu markii hore ka bilaabmay dad ka cadhooday sarkaal ka tirsanaa ciidanka Qaranka oo  uu habeen sadexaad askari ciidankiisa ka tirsanaa ku toogtay Qori-lugud.
Guddoomiyaha oo ka hadlayay mudaharaadkaasi waxa uu yidhi  “Maanta (shalay)  waxaa dhacay muddaharaad ay dadku kaga soo hor jeedaan dil loo gaystay sarkaal ka tirsan ciidanka Qaranka oo jiida hore uu ku dilay askari  ciidankiisa ka mid ahaa, markaa muddaharaadkaas ayaa dhacay waxaanu markii dambe isku bedelay in ay ka jaanis ka helaan  dad fidmo-wadayaal ah oo doonayay in ay dadka iyo gaadiidka u kala gooshaya caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyo galbeedka dalka kuwaas oo isku dayay in ay xidhaan wadada oo ay boobaan gaadiidka,markaa Khasaaruhuna ma badna.”
“Sarkaalkaasi wuxuu u shahiiday dalkiisa iyo qarankiisa waxaana dishay gacan shaydaan.  waxaa dhacday waxaa arrintaa ka faa’iidaysanaya oo siyaasadaynaya xisbiyada mucaaridka oo u dhigay in ay dawladdu dayacday labadaas sarkaal ee la dilay,waxaana ka hadlay guddoomiyeyaashii xisbiyada mucaaridka oo warbaahinta ku qoray,halkanna(Gabilay) wakiiladooda u jooga iyo qaar xisbiyada mucaaridka ka mid ah oo xildhibaano u ah oo Gabilay jooga ayaa ka qayb qaatay oo aanu imika ku daba jirnaa,magaaladuna caawa (xalay) waa bandoo oo ammaanka ayaanu ka shaqaynaynaa ,khasaaraha dhimashaduna waa ilmo yar oo hooyadii oo sidata uu jiidhay gaadhi qaad oo ka baxsanayay in la boobo, baabuurkaas  oo jiidhay gabadh ilmo yar sidata markaa ilmahaa yar ayaa  dhintay, illaa toddoba qofna dhaawacyo fudud ayaa soo gaadhay. Waxa kale oo jira dhawr askari oo dhagaxaan ay ku dheceen oo dhaawacmay, laakiin imika xaaladu way degen tahay,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Gabiley.
Guddoomiyaha oo aanu weydiinay in ay jiraan dad loo qab qabtay mudaharaadkaas,waxa uu yidhi “Ka dawlad ahaaan maanu doonayn in uu khasaare dhaco ama  rabshadu sii korodho oo aanu dad u xidh xidhno, ,laakiin markii ay tuugtu dhex raacday iyo dad ujeedooyin kala duwan lihi waxay nagu khasabtay in aanu ka hor tagno oo markaa si aanu jidka  u furno oo aanu u  xidhmin isu socodku, waxaanu bannaynay wadadii ay xidheen dhawr qofna way xidhan yihiin, balse  ma badna dadka la xidh xidhay.” Mustafe Shiinne waxa uu sheegay in ay xalay ku soo rogeen Magaaladda Bandoo, si loo sugo nabad-gelyadda  magaaladda.
Geesta kalena waxa xalay gaadhay magaaladda Gabiley Wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo xildhibaanadda Goleyaasha baarlamaanka kaga jira gobolka Gabiley, kuwaasi oo xalay-ba bilaabay dedaallo bulshadda lagu wacyigelinayo adkaynta nabad-gelyadda.
By: Xiis Weerar(Afgaab)

Leave a Reply