Gabadh reer Nigeria ah oo dhashay ilmo cadaan ah

0
487

Gabadh u dhalatay dalkaasi Nigeria ayaa dhashay ilmo yar oo cadaan ah, gabadhan oo lagu magcaabo CatherineHaworth da’deeduna jirto 32 sanno ayaa dhashay ilmahan yar ee cadaanka ah, iyada oo ay qoyskeeda oo dhami yihiin kuwo madow ah, siday sheegtay  CatherineHaworth maray la hadlaysay jariirada laga lee yahay dalkaasi Ingiriiska,waxaanay sheegtay in aanay weligeed ku riyoon ilme cadaan ah oo ay dhasho.
Ninka qaba gabadhan ayaa isna ah nin cadaan ah, kaas oo ka duwan hooyada ilmaha u dhashay, waxaana ninkan lagu magcaabaa Richard, waxaanay gabadhani sheegtay inay markii hore ka shakiday ilmahan oo ay mooday inuu bedelmay ilmihii ay umushay, waxaanay tilmaantay in markii dambe ay dhakhaatiirtu u cadeeyeen in ilmahani yahay keedii.
Ilmahan inuu cadaan noqdo ayaa sababteedu tahay iyada oo uu aabihii yahay mid cad ,taasina ay tahay sababta uu u cadaaday, siday dhakhaatiirtu u sheegeen gabadhan,waxaana ilamahan loo bixiyey Jona,waxaana warka wiilkan tebiyey wakaalado kala duwan oo ilaa shan ka kooban,kuwaas oo ah kuwa ugu caansan caalamka kuna yaala dalkaasi Ingiriiska.
Charlottefans oo ah maamulaha  wakaalada lagu magcaabo Elizabeth Smith ayaa sheegay inuu ilmahan yari yahay mid aad u qurux badan ,sidoo kalena leh indho qurxo badan,iyada oo uu warkani noqday mid ay warbaahinta dalkaasi Ingiriisku aad u hadal haysay maalmihii ugu dambeeyey.
 

Leave a Reply