Qaybo kamid ah dalka Maraykanka oo dadka heegan la geliyey kadib markii Abeeso ka baxsatay meelay ku xidhnayd

0
465

Qaybo kamid ah degmooyinka dalkaasi Maraykanka ayaa laga soo saaray digniin dadka looga digaayo abeeso kamid ahayd abeesooyinka aadka uwaaweyn oo lagu hayey in muddo ah xero kamid ah xeryaha xawayaanka lagu hayo ee dalkaasi ,gaar ahaana dadka oo laga cabsi qabo inay cunto ,iyada oo muddo saddex toddobaad ah aan waxba cunin.
Abeesadan ayaa ka baxsatay beer kamid ah beeraha magaalada lagu magcaabo Nampa oo kamid ah gobolka Idaho oo kamid ah dalkaasi Maraykanka,waxaanay ciidamada amaanka dalkaasi Maraykanka ,gaar ahaana gobolkaasi ay sameeyeen dedaalo ku aadan sidii loo soo heli lahaa abeesadaasi ,waxaanay baxsatay jimcihii ina dhaafay oo markeliyaata la waayey abeesadaasi.
Wakaalada  wararka ee lagu magcaabo Associated Press ayaa shaacisay warka sheegaayey baxsashada abeesadaasi ,waxaana  lagu tilmaamay warbixinta lagu qoray wakaaladaasi in abeesadaasi ay dherer ahaan gaadhaysay  ilaa saddex meter,waxaana la tilmaamay in ay ahayd mid aad u gaajoonaysay ,iyada oo aan waxba cunin muddo 20 cisho ah,taas oo keeni karta inay dad badan nafahooda galaafato.
Ciidamada amaanka oo gacan ka helaaya qaybo kamid ah ciidamada Milataryiga ee gobolkaasi ku sugan ayaa ilaa hadda badigoobka abeesadaasi ku jira ,iyaga oo lambaro lagala soo xidhiidho qaybiyey,sidoo kalena waxay sameeyeen laba kooxood ,kuwaas oo qaar kamid ah dadka u digayaan ,halka kuwo kalena ay isku deyayaan inay soo qabtaan abeesadaasi.

Leave a Reply