QM: Afrika oo Qabatay Gudoomiyaha Sanadlaha ah

0
487

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Wadanka Yugandha Sam Kutesa ayaa shir gudoominaya kulanka 69-aad   ee  loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo xiligan ka socda Magaalada Newyork ee Dalka Maraykanka, halkaas oo in ka badan 195 wadan ay u soo dirsadeen madax iyo mas’uuliyiin kala derejo duwan.
Shir gudoominta Mr Sam Kutesa waxa ay timid markii jagadaasi loo dhaariey todobaadkan gudihiisa taasoo uu hayn doono ilaa shirka ku xiga ee September 2015, isagoo noqday mas’uulkii u horeeyey ee ka soo jeeda Bariga Qaaradda Afrika ee Jagadaasi qabta.
Kuttessa oo ka hadlayey munaasabad lagu qabtay xarunta qaramada Midoobay maalintii Salaasada ee ina dhaaftay  waxa uu sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah ay u wada shaqeeyaan xubnaha Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa si loo abuuro ixtiraamka, midnimada iyo iskaashiga ka dhexeeya bulshooyinka dhexdooda, isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi: “Dunidu waxay inoo tilmaamaysaa mustaqbal wanaagsan, waxana aynu haysanaa fursado aynu kaga tallaabsan karno caqabadaha kuna abuuri karno isbedel, enagoo baabi’inayna faqriga, dunidana ku hagayna dariiq habboon”
Gudoomiyaha Golaha loo dhan yahay ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa oo ka hadlayey xaaladda qaybo ka mid ah ay xiligan ku sugan yihiin ayaa waxa uu yidhi: ” Caalamka aynu ku noolnahay waxaa lagu ogyahay inay ka jiraan iska hor imaado iyo waxyeelooyin dhaawacay bulshooyin badan, waxana aynu u baahan nahay dhamaanteen inaynu dirno farriinta nabadgelyada, isa saamaxa iyo midnimada dhexdeena”, halka sidoo kalena uu ka dalbaday Hay’adaha Qaramada Midoobay in deeq bixiyayaasha in loo diyaargaroobo qorshaha horumarineed ee sanadka 2015.
Gudoomiyanimada jagadaasi waxay u saamaxaysaa Mr Kutesa inuu hago doodaha fadhigaasi oo ay hor yaalaan in ka badan 175 qorshe oo lagaga hadlayo kulanweynaha 69-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa, qorshayaashaa oo u badan dhinacyada horumarinta ammaanka caalamka iyo in la sii balaadhiyo cadaalada iyo shuruucda caalamiga ah.
Bayaan ay Qaramada midoobay ka soo saartay habsami u socodka hawlaha kulanka loo dhan yahay waxa lagu sheegay in lagaga hadli doono dhibaatooyinka xagga ammaanka ee ka taagan meelo ay ka mid yihiin Democratic Republic of the Congo, Guinea Bissau, Myanmar, Cyprus, Lebanon, Syria, Central Asia, Mali and the Central African Republic. halka sidoo kalena 25 September loo qoondeeyey in laga doodo sidii jawaab ku filan looga bixin lahaa dhibaatada uu cudurka EBOLA ku hayo Dalalka Galbeedka Qaaradda Afrika
Inta lagu jiro kulankaasi wadamada Ruushka, Maraykanka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay waxay kulamo gaar ah ka yeelan doonaan mushkiladaha ka aloosan Bariga dhexe , Yukrayn iyo meelo kale oo caalamka ka mid ah
Gudoomiyaha sanadlaha ah ee Jamciyada Quruumaha ka dhexaysa Sam Kutesa oo sidoo kale ah wasiirka wasaaradda Arimaha Dibadda ee Dalka Yugandha oo tafaasiil ka bixiyey qorshayaashiisa shaqo waxa uu tilmaamay in Xoojinta kaalinta haweenka ee bulshada dhexdeeda iyo wax ka qabashada isbedelka cimilada adduunku ay qaybaha hore kaga jiraan hindisayaasha uu ku talo jiro inuu meel mariyo mudada sanadka ah ee  jagadaasi hayn doono.
 

Leave a Reply