Ururka Midnimada Afrika iyo Ruushka oo Heshiisyo Kala Saxiixday

0
434

Dawladda Ruushka ayaa maalintii Khamiista Magaalada Addis-ababa kula saxiixatay Ururka midnimada Afrika heshiisyo ku saabsan wadatashga dhanka siyaasadda iyadoo ay labada dhinac heshiiska qalinka ugu duugeen Dr Nkosazana Dlamini Zuma oo ah haweenayda Madaxa ka ah Ururka Midnimada Afrika iyo Wasiirka arimaha dibada ee dalka ruushka Sergey Lavrov oo booqasho ku joogay Dalka Itoobiya.
Heshiiskani waxa uu labada dhinac u ogolaanayaa inay balaadhiyaan kalsoonida dhexdooda gaar ahaan marka laga hadlayo nabadgelyada guud ee caalamka iyo xallinta mushkiladaha heer gobol ee dhinacyada siyaasada, dhaqaalaha iyo binu-aadanimada.
Munaasabadda Heshiiska lagu kala saxiixday oo ka dhacday Xarunta midnimada Afrika ee Magaalada Addis-ababa ayaa gudoomiyaha ururkaasi  Dr Nkosazana Dlamini Zuma waxay kasheegtay in xidhiidhka dalalka Afrika iyo wadanka Ruushku uu dib ugu noqonayo xiligii gumaystaha, waxayna ugu yeedhay Moscow inay gacan ka gaysato waxyaabaha ay qaaradda afrika ahmiyadda siinayso sida waxbarashada, Beeraha, Sayniska iyo Tiknoolajiyadda, casriyaynta dhaqaalaha iyo horumarintiisa,  Mss Zuma oo arimahaasi ka hadlaysa waxa ay tidhi: “Xorriyadayadu kuma filna halka aanu taagan nahay, waxana noo yaalla inaanu dhisno qaarad dhinac kasta ka casriyaysan”.
Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dalka Ruushka Sergey Lavrov oo isna munaasabadaa ka hadlay waxa uu ku dhawaaqay xidhiidh dhanka ganacsiga ah oo dalkiisu la yeelan doono wadamada Qaarada madow, waxana hadaladiisii ka mid ahaa: “Waxaanu ku heshiinay in aanu ka caawino Afrika sidii ay ku dhisan lahaayeen dhaqaalahooda, waxana noo qorshaysan in aanu maalgashi ku samayno dhinacyada quwadda tamarta iyo kaabayasha nolosha aadamaha ee Qaaradda ka jira, halka sidoo kalena aanu ka hawlgeli doono dhinacyada cilmiga iyo tacliinta oo ay soo raacaan iskaashi aanu ka samayn doono dhanka dhaqanka labada umadood ee Afrika iyo Ruushka.”
Wasiirka Ruushka ahi waxa uu ballanqaaday in Wadankiisu taageeri doono qadiyadaha iyo mowqifyada qaaradda Afrika ee saaxadda caalamiga ah, isla markaana la yeelanaysa xidhiidh ku dhisan saaxiibtino iyo wadajir.
 

Leave a Reply