Laaso-dacawo, (Dawan)- Xubno ka tirsan ururka Dhaymoole oo ah urur ka shaqeeya arrimaha horumarinta bulshada ayaa todbaadkan socdaal ay ugu kuur-gelayeen xaaladaha nololeed iyo duruufaha ka jira, waxay kusoo mareen degmadda Laaso-dacawo ee gobolka Saaxil iyo tuulooyinka hoos yimaadda.
Dhalinyaradan iyo masuuliyiinta ka socday ururka Dhaymoole oo xaruntiisa dhexe ay ku taallo caasimadda Hargaysa ayaa ujeedada kormeerkooda ayaa ahaa mid ay kusoo qiimaynayeen baahiyaha kala duwan ee ka jira deegaankaasi iyo sidoo kale xaaladda dhabta, waxyaabaha horumar iyo dib-u-dhac ah ee ka jira.
Waxaanay xubnahan ka socday ururka Dhaymoole, ay kormeerkoodda ka bilaabeen degmada Laaso-dacawo, iyaga oo sidoo kale kormeerkoodaasi ku soo maray tuullooyin badan oo ay ka mid yihiin Bureeqa, tuulladda Dhaymoole, Laas-wiileed iyo deegaamo kale isugu jira dhulka miyiga ah ee ku teedsan deegaamadda hoos yimaadda degmadda Laaso-dacawo ee gobolka Saaxil.
Xubnaha ururka Dhaymoole ayaa kormeerkoodan waxay warbixin kaga dhegaysteen guddoomiye ku-xigeenka degmadaasi Maxamed Ismaaciil Gacmo-dheere, oo faahfaahin ka siiyay guud ahaanba xaaladaha nololeed ee degmadda iyo duruufaha ku gedaaman bulshadda ku dhaqan dgmadda Laaso-dacawo iyo tuulooyinka ay xukunto.
Maxamed Ismaaciil Gacmo-dheere, ayaa xubnahan ka socday ururka Dhaymoole si kooban ugu sharaxay guud ahaanba xaaladda degmadda, waxaanu sheegay in xaalada degmaddu ay xilligan la joogo wanaagsan tahay, gaar ahaana xagga nabadgeliyadda iyo sidoo kale waxbarashadda iyo caafimaadka, hase yeeshee waxa uu tilmaamay inay jiraan waxyaabo badan oo ka dhiman degmadda, isla markaana u baahan in wax laga qabto kuwaasoo aanay degmo ahaan iyagu keligood wax ka qaban karin cid ka caawisana aanay helin.
Waxa uu sheegay guddoomiyuhu in baahiyaha ugu daran ee degmadaasi haysta gaar ahaana maamulka inay ugu weyn tahay gaadiid la’aan, iyada oo aanay jirin haba yaraatee hal baabuur oo ay ku shaqeeyaan, isla markaana xilliyadda ay tuulooyinka tegayaan inay lugeeyaan, isla markaana gaadiid la’aanta haysataa ay curyaamisay inay hawlahooda si fiican u qabtaan.
Waxa kale oo u tilmaamay dhibaatooyinka kale ee degmadaasi haysta in ay ka mi tahay waddo xumaan, iyadoo labadda waddo ee degmaddaas tagaana ay labaduba ay yihiin kuwo aad u xun oo aan la mari karin, taasoo uu sheegay in ay caqabad ku tahay gaadiidka mara.
Maxamed Ismaaciil Gacmo-dheere, oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi, “Xaaladda degmaddu way fiican tahay, hadday tahay nabadgeliyada, xagga waxbarashadda iyo caafimaadka Wax badan oo noo dhimanina way jiraan oo aanaan gaadhin, hase yeeshee waxaan odhan karaa imika tubtii toosnayd in aanu hayno ama aanu ku dhacnay ayaa noo muuqata, markaa degmadda arrimaheedu waa sidaasi. Laakiin haddana degmadda weli baahiyaheedu way iska badan yihiin, waxyaabo ay haystaana way jiraan waxyaabo aanay haysan oo ay u baahan tahayna way jiraan, inta badan baahideedda ayaana badan oo weli dhaqaale may yeelan, cid naga caawisaana maanaan helin.”
Mar uu ka hadlayay kuwa ay yihiin baahiyaha ugu daran ee haysta degmo ahaan iyo sidoo kale xaaladda nololeed ee dadka reer miyiga ah, waxa uu yidhi, “Baahiyaha ugu sii daran ee aanu dareemayno waxaa ka mid ah wadadda waad soo marteen oo waad aragteen caynka ay tahay, waa laba waddo oo midna ay ka baxdo magaaladda, midna ay soo gasho, labaduba waa isku mid, aad iyo aad ayaanu xagga waddooyinka uga dhibaataysanahay. Waxa kale oo iyadna jirta degmadu malaha baabuur aanu ku shaqayno, hawlahayagu waa lug keliya oo aanu ku shaqaynaa, tuulooyinka haddii aanu tegayno waanu lugaynaa, haddii aanu miyigeedda tegayno waanu lugaynaa, haddii aanu magaaladda gudaheedda joognana waanu lugaynaa, bilaa gaadiid ayaanu nahay, markaa halkaasina baahiyahayaga waa ka mid. Dhinaca xaaladda dadka reer guuraaga ah, inkasta oo ay imika ka guureen degaamaddan, oo ay abaar xumu ka jirto, abaartaasi ayay dadkii ka guureen oo xagga galbeedkana qaar ayaa u guuray, xagga dacalka ee bariga oo ay roobab ka da’een dhawaan qaar ayaa u guuray, markaa imika saxmadii miyigu way kooban tahay abaarta ay uga guureen awgeed. ”
Maxamed Ismaaciil Gacma-dheereayaa ka dayriyay shidista dhuxushu oo uu sheegay in ay faro baas ku hayso deegaanka, isla markaana ka maamul degmo ahaan aanay waxba ka qaban karin ciidan la’aanta iyo gaadiid la’aanta haysata awgeed, waxaanu tilmaamay sida keliya ee dhibaatadda shidista dhuxusha wax looga qaban karaa ay tahay in la helo gaadiid iyo sidoo kale ciidamo ku filan oo la keeno dgmadda.
Sidoo kale, waxa ii intaas ku daray inay jiraan cuduro ku dhacay xoolaha nool, kuwaasoo ay dadka reer miyiga ahi si weyn uga soo cabanayeen baryihii ugu dambeeyay. “Waxa kale oo jirta bahasha dhuxusha oo faro baas nagu haysa, taasoo aanaan waxba ka qaban karin degmo ahaan, iyada oo ay jirto ciidan yaraan na haysata, ciidanka aanu haysanaana waa laba askari oo keliya, xagaasina waanu ka dhibaataysanahay sidii aanu ula dagaalami lahayn dhuxusha awooddeedi ma hayno, maadaama oo aanaan haynin gaadiid aanu u isticmaalno la dagaalanka dhuxusha oo ah sida keliya ee aanu kaga xoog weynaan lahayn, mar ayaanu weerar ku qaadnay, oo ay dadka xoolo dhaqatadda ahi muddo ka yarro raysteen, haddana kolayba imika taasi waad dhibaato jirta. Waxa kale oo jirta in beryahan danbe dadka reer miyiga ahi ay soo sheegayaan cudurro jira oo xoolaha ku dhacay, sida Sambab, Hiinkaar iyo Kuur-kuur, saddexdaasi cudur ayay ii soo sheegeen, oo dadka reer miyiga ahi way ka cabanayaan. Laakiin markii hore xooluhu way u wanaagsanaayeen dadka reer miyiga ah, balse imika ayuunbay cuduradaasi soo galeen deegaanka, cuduradaasi ayay imika dhibaatadoodu reer miyiga haysaa, oo ay aad ula qaylinayaan, inay dhakhaatiir dhinaca xoolaha ahi ugu yimaadaan oo ay xoolaha uga daaweeyaan way u baahan yihiin. Xalka keliya ee dhibaatada dhuxusha wax lagaga qaban karaa waa ciidan iyo gawaadhi in la helo” ayuu yidhi.
Mr. Gacmo-dheer, waxa kale oo uu sheegay in dhinaca dhaqaalaha iyo dakhliga degmadu uu ku tiirsanaa xoolaha nool magaaladda lagu iibin jiray, hase yeeshee ay taasi imika hoos u dhacday ka dib markii dadkii xoolo dhaqatadda ahaa ay ka guureen deegaanka., isla markaana meesha keliya ee ay hadda wax ka soo galaan ay tahay dumarka suuqa ku ganacsadda ee khudaarta iyo waxyaabaha kale iibiya iyo sidoo kale meheradaha ganacsiga ee magaaladda ku yaalla. Sidaas darteedna waqtigan la joogo aanu jirin dakhli meel kale ka soo galla degmadda. Hase yeeshee Waxa uu xusay in dhaqaalaha kooban ee xilligan meelahaasi ka soo baxaa uu ku filnaado mushaharka macaliminta dugsiyadda degmadda iyo shaqaalaha caafimaadka.
Dhinaca kale, waxa uu xusay in degmaddu ay aad ugu horeyso dhinaca beeraha, isla markaana deegaamadda ay xukunto ay ku yaalaan beero aad u badan, hase yeeshee wax soo saarkoodu uu yahay mid ku kooban ama ku xidhan cimilo gooreedka deegaanka, iyada oo xilliga qaboobaha oo qudha ay wax beeraan, halka xilliga kulaylahana aanay waxba beerin.
Maxamed Ismaaciil Gacma-dheere oo ka hadlayay arrimahaasi iyo biyo yaraan uu sheegay in ay magaaladda haysato, Waxa uu yidhi, “Xagga beeraha boqolkiiba boqol aad ayay degmadda ugu faro badan yihiin, laakin waa xilli qudha waxa ay wax beeraan, taasoo ay ugu wacan tahay xagga cimiladda deegaanku, imika ayaanay bilaabayaan wax beersita, oo xilliga qaboobaha ayay wax beeraan, laakiin marka uu kulaylku soo galo waxba ma beeraan oo way joojiyan, waayo geeduhu u kici maayaan. Waxyaabaha kale ee ay degmadu u baahan tahay waxa ka mid ah biyaha ayaa nagu cidhiidhi ah, oo mishiin yar oo hal bastoon ah wuu gaadhsiin waayay, oo magaaladdii way ka badatay, sariibadda oo kale sida ay biyo ku tagaan way adag-tahay oo taangigii ayaa ka dheer, maxaa yeelay taangigu meel tog ah ayuu ku yaalaa, mishiinadda yar yar ee aanu isticmaalno mid waliba lix bilood ayuu shaqeeyaa, mid wax ka badan shaqeeyaa ma jiro.”
Guddoomiye ku-xigeenka degmadda Laaso-dacawo, waxa uu sheegay inaanay taageero dhaqaale ka helin xukuumadda dhexe wixii ka dambeeyay markii ay degmo-nimadda qaateen, taasoo sabab u tahay maadaama oo ay degmo qaateen oo ay tuulo-nimadii ka baxeen in ay iyagu ka degmo ahaan is-maamulaan dhinaca dhaqaalaha.
Geba-gebaddii Mr. Gacmo-dheer, ayaa fariin u diray qurbe-jooga u dhashay deegaanka, kuwaasoo uu ugu baaqay in kaalintoodii ay si weyn u tebayaan, isla markaana looga baahan yahay in ay degmadda wax la qabtaan, isagoo dhinaca kalena si weyn ugu mahad-naqay dhalinyaradda ka socotay ururka Dhaymoole ee booqashadda iyo kormeerka ku tagey. “Bulshadda deegaanka u dhalatay ee qurbaha ku nool baahidda aanu imika ka cabanayno kuwa wax nooga qaban karaa waa iyaga, xukuumadda waxa naga soo gaadhaa wuu iska kooban yahay, oo degmo ayaad tihiin ee is-maamula ayay nagu yidhaahdeen, maadaama oo aad degmo qaadateen oo aad tuulo-nimaddii ka guurteen, haddii aad tuullo tihiin wax baanu idinla qaban lahayn ayay leeyihiin. Sidaas darteed mar haddii aad degmo noqoteen is-maamula oo isku filnaadda, oo wax la soo baxa. Laakiin cidda ay imika u furan tahay in ay wax ka qabtaan baahiyaha degmadda waa dadka qurbaha jooga ee u dhashay degmadda, sababta oo ah kaalintoodii ayaanu tebaynaa, markaa waa inay dadkaasi deegaankooda u soo jeestaan oo ay wax ka qabtaan. maanta ka hor maanaan arag dhalinyaradiinan noo timi oo kale, waayo waxaad tihiin caqligi cusbaa iyo dad dhalinyaro ah, waxaanad tihiin aragtida cusub ee wax deegaankooda ka qaban kara, aad iyo aad ayaanan ugu faraxsanahay dhalinyaradiinan noo timi ee na waraysanaya, maadaama oo ay maskaxdiinu cusub tahay idinka ayaa waddo walba wax marin kara, oo wada tashan kara, oo wax baad ururin kartaan, oo wax badan ayaad deegaanka baahiyihiisa gacan ka geysan kartaan, oo halka u baahan in wax laga qabtana waad arki karaysaan, markaa waxaanu idinka ka dhalinyaro ahaan idinka codsanaynaa, in ciddii wax na tari kartaba aad nagu soo hogaamisaan.” ayuu yidhi Gacmo-dheer.
Intaasi ka dib xubnahan dhalinyaradda ah ee ka socday ururka horumarinta ee Dhaymoole waxay kormeerro ku soo mareen qaar ka mid ah tuullooyinka hoos yimaadda degmadda Laaso-dacawo iyo sidoo dhulka miyiga ah ee ay xukunto degmaddu, waxaanay warbixino ku saabsan xaaladaha deegaamadaasi iyo duruufaha nololeed ka dhegaysteen masuuliyiinta iyo wax-garadka ku nool deegaamadaasi kala duwan ee isugu jira tuullooyinka iyo miyiga.
By: Axmed Macalin