Qudhaanjada Oo Adeesagta Internet U Gaar Ah

0
540

Culimada aqoonta u leh cilmiga barashad Noolaha iyo dhaqankiisa ayaa sheegay inay qudhaanjadu isticmaasho isgaadhsiin uu eeg tan internetka ee dadku isticmaalaan. Iskaadhiga aqoonyahadan cilmiga baylojiga iyo kan computerka ayaa muujiyay isticmaalka balaadhan ee Qudhaanjadu isugu gudbiso xogta.
Iyagoo culimada arrimahan baadhayeen in ka badan 20 sanno, oo ay ku samaynayeen tijaaboyinka Jaamacadda Deboraha Dordon University. Waxay ogaadeen ugu danbaystii , in Qudhaanjadu isugu gudbiso xogaha hab mawjado ah oo fudud taasi oo qudhaanjo kasta ay si sahlan oo fudud u akhrisan karto, habkan ayay aqoon yahanadu ku magacaabeen Anternet. Waxa kale oo ay u adeegsataa in ay isugu gudbiso cuntooyinka loo baahaan yahay, iyadoo midkoodna xogta diro kan kale aqblo (Send and Receive), waxayna isticmaalaysa habka Anternet ee Transmission Control Protocol. Iyadoo Qudhaanjada habkan isticmaalaysay malaayiin sanadood oo ay soo jirtay.
Daarasaddan ayaa sheegtay inay jiraan 11000 nooc oo ah Qudhaanjo ah laakiin nooc kasta u isticmaalo isgaadhsiin u gaar.  Waxa kale oo yaab geliyay cilmi baadhayaasha sida Qudhaanjadu isaga kaashaynayso dhinac dhismaha , cuntada iyo war isgaadhsiinta.Iyadoo ay si buuxda u ogaadeen inay jirto luqad u gaar ah oo ay isku fahmaan Qudhaanjadu. Iyadoo Quraanka Kariimka ahina uu sheegay in Qudhaanjadu ay hadasho ayna isgaadhisiin karto.

Leave a Reply