16 Sanno Ka Dib Ayay Dhashay Mataano 5 Ah

0
437

Gabadh u dhalatay dalka Bakistaan ayaa dhashay 5 Caruur ah oo mataano ah maalintii Khamiista ahayd, kuwaasi oo kala ahaa 4 wiil iyo gabadh.
Sahir Khan oo ah aabaha mataanahan ayaa warbaahinta u sheegay inay xaaskiisa wada joogeen muddo 16 sanadood oo aanay waxba isu dhalin, Gabadhani waxay ku umushay Isbitaal ku yaala magaalada Karaaji. Dhahtarka dumarka ee Isbitaalkan Dr.Hanna Taimur ayaa sheegtay in Inantii dhalatay ay markiiba dhimatay laakiin ay afartii wiil iyo hooyadood caafimaadkoodu wanaagsan yahay.
Lamaanahan ayaa ka soo jeeda Magaalada Kuyta ee koonfurta dalka Bakistaan , manay jirin mudadaa 16 sanood ah ee ay wada noolaayeen wax ubad ah oo ay isu dhaleen.  Khan ayaa sheegay inuu aad u faraxsanayahay maanta, iyadoo gabadhiisu ay mudadaasi dheer kolba dhakahtr u tegi jirtay , laakiin aanay taasi waxba soo kordhin jirin.  Bishii October ee sanadkii hore ayay sidan oo kale dalka Bakistan gabadhi ugu shashay 5 caruur  oo mataano, tani waa tii laabd ee dalkaasi lagu arko.( Wargeyska Alqudus Alarabi ee ka soo baxa dalka Ingriiska 21/09).
 

Leave a Reply