Ra'iisalwasaaraha Yemen oo Iscasilay

0
419

Ra’iisal wasaaraha Yamen Maxamed Salim Basindawa, ayaa is casilay kadib markii ay dagaalo ka sii darayaa hadheeyeen dalka, islamarkaana ay mucaaradka Shiicada ee Xuuthi ay soo   galeen  qaybo ka mid ah magaalo madaxda Sanca.
Arrimahan ayaa keenay in ay Dawladda Yemen iyo fallaagada shiicada xuutiyiinta ay saxeexaan heshiis ujeedadiisu tahay in lagu soo afjaro  qalalaasaha siyaasadeed ee ragaadiyay dalka muddada toddobaadada ah.
Heshiiska ayaa dhigaya in dawlad cusub la sameeyo, islamarkaana ay xuutiyiinta iyo gooni ugaasatada koofureed ay ku soo magacaabaan ra,iisulwasaare cusub muddo saddex cisho ah.
Heshiiskani ayaa yimid saacado kadib markii uu is casilay ra’iisulwasaaruhu, ayna iska horimaadyo ka dhaceen gudaha caasimada Sanca.
Xaalada gudaha ka jirta ayaan wali cadayn, iyadoo afhayeenka Xuuthiga uu sheegay in mucaaradka uu qabsaday dhismayaal ay ka mid yihiin telefishinka dowladda iyo dhismayaal xarun u ah dowladda.
Mucaaradka Xuuthiga ayay ahayd inay la saxiixaan dowladda heshiis ay dhexdhexaadinaysay Qaramada Midoobay si loo sameeyo dowlad cusub

Leave a Reply