Jaariyadii Hitler Oo TV-Berlin Waraystay

0
482

Sida lagu daabacay bogga Internetka ee wargeyska Eram News shalay , isaga oo soo xiganaya waraysyi uu Tv-ga Berlin la yeeshay Jaariyadii Hitler  Margret Folk, ayaa daabacay in Margret Folk ay cadaysay inay ciqaab adag ku jirtay wakhtigii ay u shaqaynasay Hitler.
Waraysiga ayaa lagaga qaaday gurigii ay ku dhalaty sanadkii 1917, waxayna ay sheegtay inay ooyi jirtay mar kasta oo cunto loo keeno Hitler, maadama ay iyadu ahayd tan marka hore cunaysa si loo ogaado inay cuntadaasi sun leedahay iyo in kale, taasi oo ahayd bay tidhi inaan markasta khatar u bandhigan ahay.
Waxayn intaasi ku daraty inay ku farasxsan tahay inay iyadu weli nooshahay iyadoo da’deeduna tahay 96  sano.
Waxayna Folk intaasi ku dartay sidii ay uga badbaaday markii Ruushku qabsaday qasriga Hilter waxayna sheegtay in wakhtiaagsi ay ciidamada Ruushku ku fasdeen 14 habeen oo ay Berlin joogeen..
Folk waxay ka mid ahayd 15 Hablood oo xarun si adag loo ilaayayo ugu adeegi jiray Hitler intii lagu jiray dagaalkii labaad, xaruntaasi oo la odhan jiray Hoygii Yayaga. Halkaasi oo gaar u ahayd intii lagu jiray dagaalkii labaad, waana tan keliya ee wakhtigan ka nool hablahaasi ay saaxiibka ahaayeen, waxayna cadaysay in hablahaasi ay dhamaantood toogteen ciidamadii casa ee Ruushka.
Margaret Folk may qarin dareenkeeda iyo ceebihii dhacay intii ay waday waraysiga , waxayna cadaysay in cuntada Hitler ay ahayd khudaar joogtoo ah taasi oo ay sabab u ahayd iyadoo dhinaca hilibka laga cabsi qabay in sun loo soo mariyo.
Waxayna sheegaty in shaqada uu ku khasabay duqa magaalada ka dib markii ninkeedii lagu daray ciidamadda iyadoo goobta amaankeedu aad u adkaa oo ahayd waxaan la rumaysan Karin. Waxay intaasi ku dartay in ciidamada Naasiga ay habeenkii hablaahaasi kufsan jireen. Dagaalkii ka dib waxay ninkeedi dib isu Heleen 1946, waxaan uu dhintay muddo imika laga joogo 24 sano ayay tidhi.  Iyada ayaan keligeed ku nool guriga cidlada ah oo ay markasta ku xasuusto wixii soo maray.
 

Leave a Reply