Kumanaan ka Talaabay Xuduuda Turkiga

0
450

Qaxooti kurdiyiin ah oo gaadhaya 66,000 ayaa u talaabay dhinaca dalka Turkiga tan iyo jimcihii, markaas oo ay dowladda Turkiga u furtay xuduudeeda qaxootigaasi.
Waxay ka baxsanayaan dagaalyahanada dowladda Islaamiga kuwaas oo ku wajahan waqooyiga Dalka Suuriya.
Hay’adda Qaramada midoobey ugu qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in ay sara u qaadeyso gargaarka, waxayna ka cabsi qabtaa in boqolaal kun oo kale ay ka soo talaabaan xadka.
Kooxda dowladda Islaamiga ayaa waxay gacanta ku haysaa degaano ka mid ah Suuriya iyo Ciraaq
Turkiga oo xuduud la wadaaga Suuriya ayaa waxa uu hoy  siiyey in ka badan 840 kun oo qaxooti reer Suuriya ah,
Balse furitaanka xuduuda ayaa waxay sara u qaaday tirada qaxootiga reer Suuriya ee soo gudbaya.
 

Leave a Reply