Saylada Xoolaha Hargeysa iyo Xarakaadka Moosinka Xajka

0
408

Saylada Xoolaha ee magaalada Hargeysa, ayaa maalmihii ugu dabayey la ciirciiraysay Xoolaha Nool ee wakhtigan oo kale loo Iibgeyo Moosinka Xajka. Xoolahaasi  ayaa ka kala yimid dhammaan Dhulka Somalidu Degto oo ugu badan tahay dhulka Somaliland iyo Hawdka Itoobiya.
Marka aad booqato Saylada Xoolaha ayaa waxa markiiba indhaagu qabanayaan Geel, Adhiga iyo Lo’da oo malaayiin ka baddan kuwaasi oo tuban dhulka banana ee sayladu ku taalo.
Hadab saylada xoolaha Hargeysa ayaa imika ah mid aad u mashquula iyadoo ku dhex arkayso noocyada baabuurta waaweyn oo kala duwan baabuurtaa iyagoo qaarkood saylada soo galinayaan xoolaha qaarna ka saarayaan oo isla markaana u sii jeedaan dhinaca magaalo xeebeeda Berbera.
Ganacsatada ka shaqeysta Xoolaha ayaa sheegay in sanadkan Xoolaha soo galay Saylada Hargeysa ay yihiin kuwii ugu badnaa ee abid ay arkaan.
Dhawr Todobaad oo kali ah ayaa ka hadhay wakhtigii Moosinka  Xajka iyada oo xoolaha ugu badan ay ka taagan Somaliland.
Somaliland ayaa lafdhabata koowad ee dhaqaale yihiin Xoolaha Nool oo dalka dibadiisa loo iib geeyo.

Leave a Reply