Guurtida Oo Loo Qaybiyay Wax-Ka Bedelka Iyo Kaabsita Xeerka Xabsiyada

0
444

Hargeysa (Dawan) – Fadhigii shalay ee golaha guurtida Somaliland oo uu shirgudoominaayay gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee golahaasi mudane Siciid Jaamac Cali ayaa waxa xildhibaanada loo qaybiyay wax-ka bedelka iyo kaabista ay guddida arrimaha bulshada iyo xuquuqul  iinsaanku su soo sameeyeen xeerka xabsiyada Somaliland oo labarkiisu yahay 65 soona baxay 2014. Xeerkan xabisyada ayaa waxa soo ansixiyay golaha wakiilada sida sharcigu dhigaayo ayaa waxay soo gudbiyeen golaha guurtida, goalaha gurtiduna waxay u gudbiyeen guddi hoosaadka u qaabilsan golaha arrimaha bulshada si ay kaabis iyo wax-ka bedel ugu soo sameeyaan.
Gudda arrimaha bulshada iyo xuuqal iinsaanka ee golaha guurtida ayaa waxay xeerkan soo raaciyeen lifaaq kooban kaas oo u dhignaa sidan:- guddida arrimaha bulshada iyo xuquuqal iinsaanka ee golaha guurtida Somaliland guddidu markay aragtay xeerka xabsiyada oo ay soo gudbiyeen golaha wakiiladu kaas oo lambarkiisu yahay 65, soona baxay sannadka 2014.
Markay tixigalisay qodobada 124, 27 farqada 8-aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Markay garawsatay in hab-raaca xeer-dajintu tahay wixii ilduuf ah ee gale ka soo baxa in golaha kale saxo, sida ku xusan qodobada 77-aad iyo 78-aad xarafka (t) farqada 5-aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Guddida arrimaha bulshada iyo xuquuqal iinsaanku waxay soo jeedinayaan in xildhibaanada golaha guurtidu ay ka soo baaraan degaan wax-ka badalka ay guddidu ku soo samaysay xeerka xabsiyada Somaliland. Waxaanay guddida arrimaha bulshada iyo xuquuqal iinsaanka ee golaha guurtidu soo jeediyeen in la ansixiyo wax-ka berelkan lagu sameeyay xeerka xabsiyada Somaliland, marka ay xildhibaanadu ka soo baaraan degaan.
Isa fadhigan ayaa waxay xildhibaanadu kaga doodeen qodobka rrimaha bulshada gaar haan waxbarashada dalka.
Xildhibaan Axmed Daahir Maxamuud (Jirde) oo ka mid ahaa xildhibaandii ka qayb qaatay dooda qodobkan  ayaa waxa uu soo jeediyay in la tayeeyo waxbarashada jaamacadaha, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yodhi “Waxaan soo jeedinayaa in la tayeeyo waxbarashada jaamacadaha dalka si loo helo arday wax u darta dalkooda. Waxa kale oo aan soo jeedinayaa in wasaaradda waxbarashadu ku dadaasho sidii ay kor ugu sii qaadi lahayd waxbarashad guud ee dalka.”
Xildhibaan Cabdiraxmaan Shaadh ayaa waxa uu isna ku dooday oo uu yidhi “Anigu waxaan leeyahay in wasaaradda waxbarashadu si fiican bay u shaqaysaa waxaanaan u soo jeedinayaa in ay halkaas ka sii wadaan dadaalka iyo sii xoojinta waxbarashada dalka.”
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in masuuliyiinta wasaaradda laga waraysto halka ay marayso waxbarashada dalku, waxaanuu yidhi “Waxbarashada dalka wasaarad baa ka masuul ah markaa waxaan soo jeedinayaa in golaha guurtidu warbixin ka dhagaysto wasiirka wasaaradda waxbarashada.”
Gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee golaha guurtida mudane Siciid Jaamac Cali ayaa waxa uu xildhibaanada ku wargaliyay ay dhamaadeen mudaneyaashii isku qoray in ay ka qayb qaataan doodkii qodobka arrimaha bulshada gaar ahaan qaybtii ku saabsanayd warbarashada loona gudbi doono qodobada kale ee ku jira ajandaha kal-fadhigan 54-aad ee goluhu ku gudo jiro qodobadiisa.

Leave a Reply