Somaliland Oo Digada & Uuska Xoolaha Loo Isticmaalay dab dhalin!

0
467

Degmadda Sheekh ee gobalka Saaxil, waa degmo ku caan ah waxbarashadda, isla markaana uu Gumaystihii Ingiriiska ka sameeyey dugsiyo wax lagu barto oo ay ka aflaxeen dad magac ku leh bulshadda iyo madaxeyneyaal soo maray Somaliland.
Degmadda Sheekh waxba iskama bedelin kaalintii ay hore ugu jirtay inay hormood u noqoto waxbarashadda Somaliland, waxaana hadda dugsiyadda waxtarka leh ee ka dhisan ka mid ah dugsiga Xanaanadda Xoolaha lagu barto. kaas oo ay dhigtaan arday ka kala timid bariga Afrika oo dhan.
Sidoo kale, waxa ka jira Dugsiga SOS oo ah mid hoy ah oo ay Ajanabi maamuleyaal iyo macalimiinba ka yihiin, taas oo ardayda ka baxda sanadkii ay noqdaan ardayda ugu wanaagsan ee dhibcaha ugu sareeya ka galla Somaliland, waxaana inta badan gaar looga dhiga dugsiyadda kale maadaama oo aanay la aqoon ahayn dugsiyadda kale ee Somaliland ka jira.
Marka laga yimaado kaalinta ay waxbarashadda kaga jiraan waxa ay ardayda iyo macalimiinta dugsiga Xanaanadda xoolaha ee Sheekh ku soo kordhiyey Somaliland in Digadda iyo Uuska xoolaha la qallo loo bedeli karo Laydh loo isticmaalo hawlaha. Islamarkaana lagaga maarmo ka ay Mishiinadu riixaan. Maamulayaasha dugsigan oo sharaxaya qaabka ay digadda iyo uuska xoolaha uga dhigeen laydh ayaa tilmaamay in markii hore ay isticmaali jireen Uuska xoolaha, balse nasiib daro ay waayeen in xadiga ay u baahan yihiin Uuska oo ku filaan kara korontodda uu dugsigu u baahan yahay, ka dibna ay ku bedeleen digadda xoolaha oo ay farsameeyeen una rogeen inay laydh ka dhaliyaan.
“Waxaanu soo gurnaa digadda xoolaha waxaanan ku ridnaa godkan oo qasabado ku leh hareeraha waxaanan ku shubnaa biyo, marka ay isku milmaan ayey kala baxaan oo ay u gudbaan god kale oo loogu talogalay, ka dibna biyihii iyo qashinkii ayey kala saaraan ka dibna waxay u bedeshaa Laydhka lagu isticmaalo baahiyaha dugsiga taas oo naga Yaraysay kharashkii aanu isticmaal jirnay”ayuu yidhi mid ka mid ah madaxda dugsigan oo sharaxayey siday ay dab uga dhaliyaan.
Sidoo kale, waxa uu xusay inay caqabadda ugu weyni tahay bacda ay cunaan xooluhu iyo biyaha iyo Digada la isku darayo oo u baahan in la isku miisaamo, waxaana marka ay isku milmaan kala baxa qashinkii ku sii dhex jiray digadda Xoolaha taas oo ay ka baxayso xiitaa bacdii ay cuneen oo haddii ay ku jirto digada dhibaato ku immanayso, waxaana ay maraysaa illaa afar jaranjaro oo lagu kala saarayo qashinka iyo digadda loo baahan yahay ee dabka dhalinaysa oo ugu danbeynta rogaysa Daynabo.
Dugsiga Sheekh waxa kale oo uu isticmaalaa Laydhka laga dhaliyo Hawadda, Solarkii Qoraxda ku shaqanayey iyo digadda iyo uuska xoolaha, waxaana hubaal ah in haddii magaalooyinka waaweyn loo tobabari lahaa qaabka dabka looga dhaliyo ay yaraan lahayd baahidda loo qabo shiidaalka dibadda inooga yimaadda, waxaana yaraan lahayd kharashka inagaga baxa.
Waxa xusid mudan in dugsigan xoolaha lagu barto laga dhisayo goob weyn oo noqon doonta qaybta lagu baadho cuntooyinka, taas oo xarun u noqon doonta bariga Afrika in lagu daraasadeeyo cuntooyinkooda, waxaanay yareyn doontaa khasaaraha ay keeneen cuntooyinkan aan tayadda lahayn ee laga keeno dibadda ama baakharadda ku xumaaday ee loo soo dhoofiyo wadankeena, taas oo haliso badan ku haya caafimaadka shacabkeena.
 
 
 
 
 
 

Leave a Reply