Afhayeenka Madaxtooyadda Oo Ugu Baaqay G/Wakiiladda inay Maamuuska Ka Xayuubiyaan Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

0
541

Hargaysa (Dawan): Af-hayeenka madaxtooyada Somaliland Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa ugu baaqay  Golaha  Wakiiladda inay maamuuska xayuubin ku sameeyaan labadda xildhibaan ee Siciid Cilmi Rooble iyo Bashiir Tukaale,  oo labaduba ka tirsan aqalkaasi,  waxaanu sheegay in labadaasi xildhibaan  ay Jariimad ka galeen qaranka iyo Golaha  ay ka tirsan yihiin, sidaas darteedna ay mudan yihiin in xilka laga xayuubiyo.
Af-hayeenka madaxtooyadda ayaa si gaar ah uga hadlay  xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo uu ku tilmaamay  xildhibaan doolaallo  kula jooga xisbiga  aanu ka tirsanayn ee WADDANI,  kaasi oo uu sheegay inuu ku kacay waxyaabo meel ka dhac ku ah qaran-nimadda iyo golaha uu ka tirsan yahay.
Axmed Saleebaan Dhuxul, oo xalay u waramay wargeyska DAWAN,  waxa  kale oo uu  sheegay  in xildhibaan Siciid Cilmi Rooble,  uu ku kacay  waxyaabo ay ka mid tahay kicin uu ku khal-khal gelinayo bulshadda oo ka dhan ah ammaanka, isla markaana uu dadka ku abaabulay  inay hub qaataan oo ay dagaal la galaan xukuumadda. Waxaanu intaasu ku daray af-hayeenku  in xildhibaan Siciid Cilmi Rooble looga baahan yahay in uu cadaynteeda  keeno   waxyaabaha uu ku hadlay ee ay ka mid ahaayeen  in gaadhi  uu ku baxsaday la siiyay  ninkii 17-kii bishan labadda sarkaal ku dilay tuuladda Qorilugud ee gobolka Togdheer.
Af-hayeenku isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan ka hadlo arrin ay ku kaceen labadda xildhibaan ee Siciid Cilmi Rooble iyo Bashiir Tukaale oo ka tirsan Golaha Wakiiladda, waxay ku dhawaaqeen oo iclaamiyeen waxyaabo dalka khal-khal gelinaya  iyo kicin ay bulshadda ku abaabulayeen dagaal, xildhibaan Siciid Cilmi Roobe isaga oo golihii sharci dejinta ah ayuu dadka shacabka ah ku dhiirigeliyay inay hub soo qaataan oo ay xukuumadda dagaal la galaan.  Waxaan ugu baaqayaa Golaha Wakiiladda inay tallaabo ka qaadan,  oo ay maamuuska ka xayuubiyaan xildhibaankaasi oo ku kacay arrin ceeb ku ah qaranka iyo golaha wakiiladdaba.”
Af-hayeenka Madaxtooyaddu  waxa uu intaas ku daray  “Sidoo kale  Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa kale oo uu sheegay in ninkii 17-kii bishan magaaladda Qori-lugud ku dilay labadda sarkaal in la siiyay gaadhi uu ku baxsaday, isla markaana xildhibaan Siciid   laga doonayo  arrintaasi cadaynteedda inuu keeno. “
“Xukuumaddu way ka xun tahay dhacdadaasi lagu dilay labadda sarkaal, hore ayaanay u tacsiyadaysay, madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isla habeenkiiba tacsi ayuu u diray eheladii iyo qaraabadii ay labadda marxuum ka baxeen, madaxweynuhuna wuu la kulmay waalidkii labadda marxuum dhalay, masuuliyiin xukuumadda ka tirsanina way u tageen, oo waa loo diray. Ugu danbayntii waxaan mar labaad ugu baaqayaa golaha wakiiladda in nimankaasi waxa ay ku dhawaaqeen ay cadaynteeda keenaan, imika xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu gaadhay wakhtigii uu kolba dhinac  eegi jiray, waxaanan ku  boorinayaa  golaha wakiiladda inay maamuuska ka xayuubiyaan xildhibaankaas,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyaddu.
By: Khadar C.Muuse

Leave a Reply