โWaxaanu ka wada hadlaynay sidii dawladda Norway oo aanu cilaqaad weyn la leenahay sidii aanu u kobcin lahayn Iskaashigayaga โ Wasiirka Khaarajiga
ย
โWaxa aanu halkan u nimi in aanu Somaliland la falanqayno sidii aanu uga caawin lahayn horumarka, una noqon lahayd Somaliland waddamada ugu barwaaqaysan Afrikaโ
Mr. Jens Mjaugeal
Hargeysa (DAWAN)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay xafiiskiisa kulan kula yeeshay Ergayga gaarka ah ee dawadda Norway u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Mr. Jens Mjaugeal oo socdaal ku yimid dalka. Kulankaasi ka dib waxa warbaahinta uga waramay qoddobadii ay Ergayga dawladda Norway iyo madaxweynuhu ku falan-qeeyeen kulankaasi Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland. Wasiir Maxamed Biixiย ayaa sheegay ย in dawladda Norway ka caawin doonto wadahadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Somaliya, khayraadka dabiiciga ah sida kalluumaysiga, macdanta iyo shidaalka. โWaxa maanta (shalay) farxad weyn noo ah in aannu ku soo dhawayno qasriga madaxtooyada ergaygiiย ย qaabilsana Somaliland iyo Soomaaliyaย u qaabilsan Norway, horrena wuu u yimi dalka oo sannadkii 2007-diiย ayaa ugu dambaysay. Ergayga iyo annagu waxaannu ka wada hadlaynay sidii dawladda Norway oo aanu cilaqaad weyn la leenahay sidii aanu cilaqaadkayaga iyo horumarkaa u kobcin lahayn, sidaannu u wada shaqayn lahayn.โ
โNorway waxay khibrad xoog leh u leedahay arrimaha shidaalka amma khayraadka dabiiciga ah sidii ay wax innooga tari lahayn, inoogana dhisi lahayd hadday tahay aqoon iyo awood kobcinba,ย hadday tahay arrimaha kalluunka amma khayraadka kale,โayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu.
Wasiir Maxamed Biixi waxa uu tilmaamay in Norway ay kaalin ka qaadanayso sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi โSidoo kale waxaannu ka wada hadalnay siday wax noogala qaban lahaayeen arrimaha innaga dhaxeeya Muqdisho ee ay ka mid yihiin wada hadalada siday hore ugu socon lahaayeen, arrimaha nabadda, xagga budhcad-badeeda oo aad iyo aad ay u tixgeliyaan in aynu shaqo fiican ka qabano iyo xagga argagixisada oo shaqo wanaagsan aynu ka qabanay ayey noogu tahniyadeeyeen.โ
โWaxa aannu doonaynaa in cilaaqaad buuxda aanu la yeelano, dawladda Norway, waa dawlad aad khibrad ugu leh xagga wahadalada, xagga shidaalka iyo macdanta, waddamo badana wax u qabtay, marka waxay doonayaan in ay wax nala qabtaan oo aanu soo dhawayno,โayuu intaas raaciyay Wasiirku.
Sidoo kale Ergayga gaarka ah ee dawadda Norway u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Mr. Jens Mjaugeal oo ka hadlay kulankii uu la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sheegay in ay Somaliland ย ka caawinayaan xagga farsamada ee wadahadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo dawladda Turkigu martigeliso, waxaanu yidhi โWaxa aannu eegaynaa sida ugu fiican ee aannu diinka caawin karno xagga farsamada wadahadalka Somaliland iyo Soomaliya ka dhaxeeya, haddii aan anigu ergay ahaanย ย iska hadlo Norway waxay qabtaa in ย ย mustaqbalka wada hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya ย waxay noqonayso idinkay idinku xidhan tahay in wadahadaladaasi hore u socdaan. Waxa kale oo ay idinka caawinayaan dhisada xagga awoodda khayraadka dabiiciga ah iyo maaraynta khayraadkaas.โ
Waxa kale oo uu ergaygu Sheegay in Somaliland ay ka taageeri doonaan xagga ka faaโiidaysiga khayraadka dibiiciga ah, waxaannu yidhi;โWaa inaan ka taxadiraa waxaan odhanaya, sababtoo ah waxa jira dad badan oo Somaliland ah oo ku dhaqan Norway, waana in aan ogaadaa in aan halkaa ku waayayo qoys, kuwaasoo markaan noqdo I waydiinaaya suโaalo badan.Waxa aanu halkan u nimi in aanu Somaliland la falanqayno sidii aanu uga caawin lahayn horumarka, una noqon lahayd Somaliland waddamada ugu barwaaqaysan Afrika.
Kulankaasi waxa ย Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ku wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirrada Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warran-cadde.
By: Cumar M. Faarax
Home Wararka Dalka Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan La Yeeshay Ergayga Norway u Qaabilsan Somaliland Iyo...