Jamaal Cali Xuseen Oo Bilaabay Dhaqdhaqaaqyo Uu Fashilinayo Heshiiskii UCID La Galay Xisbiyadda Qaranka

0
414

Hargeysa (Dawan)-Murrashaxa madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa ganafka ku dhuftay Heshiiskii saddexda xisbi qaran iyo  iyo xukuumaddu ay toddobaadkan ka gaadheen khilaafkii iyo aragtidii iska soo horjeeday ee ay ka kala taagnaayeen  diiwaan-gelinta madaniga ah. waxaanu sheegay inaanay ka tashinin heshiiskaasi xisbi ahaan,waxaanu ku tilmaamay mid uu isagu ku jawo-wareeray.
Dhawaaqa Jamaal Cali Xuseen waxay  noqonaysaa weerar cad oo uu ku badhi furayo Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo heshiiskaasi xisbiga u matalayay isla markaana sheegay inuu ku faraxsan yahay xalka laga gaadhay khilaafkii ka aloosnaa diiwaan-gelinta madaniga ah ee labada xisbi mucaarid ay hore ugu dhawaaqeen inay qaadaceen.
Hadalka Jamaal Yare waxa uu noqonayaa mid xansas iyo xaabo u noqon Kara khilaaf isa soo tarayay hase yeeshee muddooyinkii u dambeeyay huursanaa oo u dhaxeeya Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga, iyadoo wararku ay sheegayaan in Hoggaanka UCID ay indhowaaleba ka biyo diidsanaayeen waayo arragnimo la’aanta siyaasadeed ee Murrashaxan layliga ah oo ay u arkaan inaanu guul uga soo hoyn Karin doorashada madaxtooyadda, maadaama oo dadweynuhu ay candhuuftooda dib uga liqeen hankii ay u hayeen murrashaxan oo ay u arkaan inuu yahay kii ugu waayo-arragnimadda iyo duul-duulka badnaa ee soo mara taariikhda asxaabta siyaasadda Somaliland.
“Heshiiskaas waxaan ka maqlay warbaahinta, mana uu ahayn heshiis aan wax ka ogaa oo aan taladiisa wax ku lahaa, waxaannu ahaa heshiis aan wax qodobbo ama wax qoraal ah oo la kala saxeexday aannu jirin. Nimankii ka hadlayey waxaan arkayey iyagoo kala hadlaya oo mid walba meel ku dhufanayo, markaa sida ay dadka caadiga ah ugu jaha-wareereen ayaan aniguna ugu jaha-wareeray heshiiskaas la sheegayo ee la gaadhay oo dadkii meesha joogay qofba si u sharxay. Mid yidhaa hal qodob ayey mucaaridku ka cabanayeen oo waannu u saxnay, mid yidhaa madaxweynaha ayaa ka daba geynaya laba qodob xeerka qabyo-qoraalka ah ee Golaha Wakiillada loo gudbiyey,” ayuu yidhi Mr. Jamaal oo warbaahinta la hadlay Isniintii isagoo si adag u durayay heshiiskaas oo uu xusay inuu qawadsan yahay.
Mr. Jamaal oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku kabay “Marka aannu aragno waxa lagu heshiiyey waxay yihiin haddii ay wax macquul ah noogu muuqdaan waannu taageeri doonnaa, haddii kalena ganafka ayaannu ku dhufanaynaa, sababtoo ah ma aha in la jaha-wareeriyo dadka Somaliland.”
 
Warar aanu ka helay ilo war-galeen ah ayaa DAWAN u sheegay in Hoggaanka xisbiga UCID iyo xubno badan oo ka mid Guddida fulintu ay aad uga xumaadeen hanaankii fidmo abuurka ahaa ee Murrashax Jamaal uga hadlay labadii sarkaal ee dhawaan askari ciidanka qaranka ka tirsanaa ku dilay Qorilugud iyo mudaharaadkii Jimcihii toddobaadkii hore ka dhacay Gabiley, oo ay aaminsan yihiin inuu uga hadlay sifo diro-daallenimo oo sumcad xumo u soo jiidaysa xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ee UCID.
Bal aan eegno sidii Guddoomiyaha xisbiga UCID uga hadlay  heshiiskii la gaadhay oo uu sheegay inuu aad ugu faraxsanaa sida loo xaliyay mawqifyadii iska soo horjeeday ee xukuumadda iyo mucaaridku ka kala joogeen diiwaan-gelinta madaniga ah.
“Waa ILAAHAY  mahadii  waanu  heshiinay saddexda xisbi qaran iyo xukuumadda khilaafkii ka taagnaa diiwaan-gelinta madaniga ah, waxaa kale oo aan u mahad celinayaa xukuumadda oo iyana naga ogolaatay in aanu is aragno.Waxa kale oo aan idiin sheegayaa haddii aanu nahay xisbiyada mucaaridka ah marna kamaanaa soo horjeedin in la qaato  kaadhka aqoonsiga muwaadinimada ee waxaanu diidnay inuu dabro, dadka codkooda dhiibanaya,”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal oo ka hadlayay heshiiskii laga gaadhay murankii diiwaan-gelinta madaniga ah.
 
Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu dadweynaha ugu baaqay inay qaataan kaadhka jinsiyadda, waxaanu yidhi  “Shacbiga waxaan leeyahay  qaata kaadhadka Jinsiyadda ee lagu bixinayo diiwaan-gelinta madaniga ah.”
 
Guddoomiye Faysal waxa kale oo uu sheegay in aan loo baahnayn in la siyaasadeeyo dilkii labada sarkaal, isagoo si dadban ugu jawaabay tiraabtii ka soo yeedhay Jamaal Cali Xuseen waxaanu yidhi “Waxaan  leeyahay Shacbiga ogaada in aynu qaran nahay, haddii askari sarkaal ah oo shaqo ku jira uu shaqadaasi ku dhinto, qaranka ayuu  ka dhintay. Haddii uu furinta ku dhinto,  waxaa uu direyska u qaatay inuu qaranka difaaco waana khalad in la qabyaaladeeyo iyo in la siyaasadeeyo,  qaran-na  ku noqon mayno caynkaasi ee iska jira.”
 
Maalmaha soo socda ayaynu eegi doonaa halka  dhaqdhaqaaqyadda  Jamaal Cali Xuseen ku doonayo inuu ku kala kiciyo  heshiiskii uu galay Guddoomiyaha UCID iyo waxay Hoggaanka iyo guddida fulinta UCID kaga dareen celiyaan dhawaaqa Murrashax Jamaal oo ah mid fadeexad ku ah xisbiga UCID.
 

Leave a Reply