Qalalaasaha Yaman iyo Sanca oo Deggan

0
421

Heshiikii nabadda ee ay wada saxiixdeen xukuumadda Yemen iyo kooxda Xuutiyiinta shiicada ah ee ka soo horjeedda kaddib ayaa la sheegaya in haatan xaaladda Caasimadda Yemen, Sanca ay deggentahay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in boob ay u geysteen Xuutiyiintu guryo siyaasiyiin caan ah oo uu ka mid yahay Jeneral Cali Muxsin Al-axmar, oo ahaa lataliyihii gaashaandhigga Madaxweynaha Yemen.
Jeneral Al-axmar ayaa hoggaamiyey dagaallo ka dhan ahaa xuutiyiinta horey xukuumaddu ugu weerartay xaruntooda Sacda , sidoo kale xarumihii ururka al islaax ee magaalda Sanca ayaa wararku sheegayaan in laweeraray oo qalabkii yaaleyna laga bililiqeystay.
Wariye ku sugan  Sanca ayaa sheegaya in aaney ilaa hadda muuqan wax tallaabo ah oo ay qaadeen Xuutiyiintu oo muujinaya in ay ka baxayaan goobihii ay horey u qabsadeen ee magaalda Sanca, hasayeeshee war ka soo baxay xuutiyiinta ayaa sheegaya in ay sugayaan ammaanka xarumaha muhiimka ah ee caasimadda iyaga oo la shaqeynaya ciidamada ammaanka.
Wasiirka arrimaha gudaha Yemen ayaa horey uu sheegay baaq uu u jeediyey ciidamada boolisku in aaney la dagaalamin Xuutiyiinta isagoo intaa ku daray in laga wadashaqeeyo ilaalinta xarumaha dawladda iyo ku guud intaba.
Heshiiska Xukuumadda Yemen iyo Xuutiyiinta ayaa dhigaya in la dhiso xukuumad wada jir ahoo qaran iyo in xuutiyiintu ciidamadooda kala baxaan caasimadda Sanca, hasa yeeshee wararku waxay sheegayaan in ilaa hadda aney jirin wax oo lagu fulinayo heshiiskaasi.

Leave a Reply