Cali Xoor-xoor Oo Guddi Hoosaadka Dhaqaalaha Ee Wakiilada Uga Warramay Shirkadaha Danaynaya Maal-gashiga Marsadda

0
484

Hargeysa (Dawan):- Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed(Xoorxoor),ayaa guddi hoosaadka dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiilada war-bixin ka siiyay adeegyada ay dekeda Berbera u hayso bulshadda  ay u adeegto ee Geeska Afrika ee waxna kala soo dega waxna ka dhoofiya.
Waxaa kale oo uu Maareeye Cali Xoor-xoor  Guddi Hoosaadka  Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiilada Somaliland oo booqday dekadda shalay tafaasiil ka siiyay   shirkado  waaweyn oo uu sheegay in ay doonayaan in ay dekeda Berbera wada shaqayn la bilaabaan kuwaas oo uu Maareeyuhu sheeegay in laga eegayo danta Qaranka Somaliland cidda buuxisa.
 
Maareeyaha  oo ka hadlayay arrintaasi waxa uu yidhi “Aad baan ugu faraxsan nahay in aad timaadaan khaasatan dekeda Berbera iyo haamaha kaydka shidaalkaba  oo ah meelaha ugu munaafacaadka badan ganacsiga, dadweyne  iyo dawladaba.”
Eng. Cali Cumar Maxamed waxa uu tilmaamay in dekeda Berbera ay dawladda Itoobiya isticmaali karto  waxaanu  yidhi “Dawlada Itoobiya ganacsi waynu la samayn karnaa oo wax badan ayaan ka kobcin karnaa,  wax badan ayaan ka kirayn karnaa, dekadda casriyeynteeda waxa danaynaya illaa afar shirkadood oo caalami ah waa la eegayaa oo danta qaranka ayaa laga raacayaa.”
Guddoomiyaha guddi hoosaadka dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland  Xildhibaan Cumar Axmed San-weyne, ayaa ka hadlay ujeedada socdaalkooda magaaladda Berbera,   waxaanu  sheegay in safarkoodu la xidhiidho in korontada Berbera miisaaniyadda wax loogu darro, waxaanu  tilmaamay in ka guddi ahaan ay soo jeedinayaan in lacagta ay soo saaraan haamuhu in wax loogu darro korontada Berbera, waxaanu   yidhi. “Safarkan aanu ku nimi Berbera  waxa ka mid ah wixii laga qaban karo korontada Berbera in miisaaniyada loogu darro oo aanu soo jeedino in wax loogaga  darro lacagta haamuhu soo saarayaan ee kastamka galaysa, markaa waan ku dedaalaynaa wixii guddi dhaqaale ahaan annagu shaqadayada baarlamaan, waxaana Golaha Wakiiladu xaq u leeyahay in miisaaniyada waxna galiyo waxna ka saaro.”
By: Khadar M. Dhako

Leave a Reply