“Waddani Ahaan Waxaanu Dadka ku Dhiirigelinaynaa Inay Qaataan Kaadhka Muwaadinka”

0
404

Hargeysa,  (Dawan)- Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md. Maxamed Cabdilaahi Uur-cade ayaa dadweynaha ku booriyay qaataan kaadhka diiwaangelinta madaniga ah.
Xoghayaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani waxa uu sidoo kale faahfaahin ka bixiyay heshiiskii ay gaadheen saddexda xisbi iyo xukuumaddu wada gaadheen, isagoo xusay inay ku heshiiyeen in la hirgeliyo heshiiskii ay hore u galeen daneeyayaasha doorashada, isla markaana xeerka wakiillada horyaala laga saaro qodobbada ka hor imanaya heshiiskaas.
Maxamed Cabdilaahi Uur-cade ayaa sidoo kale sheegay inay xukuumadda ku garab galayaan hirgelinta hawsha diiwaangelinta madaniga ah.
Xoghayaha oo shalay u waramayay DAWAN, ayaa ka hadlay heshiiskii lagu soo afjaray khilaafkii ka dhashay diiwaan-gelinta madaniga ah, waxaanu yidhi “Heshiiskaasi waxa uu ahaa mid muddo dheer waxaa laga soo shaqaynayay dalkana in doorashooyinkiisu ay dhacaan xilligii loogu talogalay oo aanay doorashadanI  dib Inooga dhicin,waananu ka wada shaqeynaynay xukuumadda, xisbiyada, qaadhaan bixiyayaasha Somaliland doorashooyinka ka taageera iyo komishanka doorashooyinka, waxaana lagu heshiiyay in doorashooyinku dhacaan, iyadoo la hayo tirada cod-bixiyeyaasha, intaa ka dib xukuumaddu waxa ay xeerkaasi ku kordhisay qodobkan muranka dhaliyay oo ahaa in marka hore la dhameeyo bixinta kaadhka madaniga ah, taasoo aanu annaguna  u aragnay inuu dhibaato ku noqon karo doorashooyinka.”
Maxamed Cabdilaahi Uur-cade oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray, “Nuxurka aanu imika ka heshiinay waxa weeye in wixii caqabad ku noqon kara ama ka hor imanaya heshiiska daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland hore ugu heshiiyeen ee xeerkaa baarlamaanka horyaala ku jira in laga saaro sidiisii horena lagu soo celiyo muwaadinka xanuun dartii ama dalka ka maqnaa markii  kaadhadhka muwaadinka la bixinayay inuu codeeyo, markaa waxa lagu heshiiyay inuu qaato marka  uu yimaaado codeynta, xisbi ahaanna waxaanu muwaadiniinta ku dhiirigelinaynaa in ay imika qaataan kaadhka muwaadinnimada si waqtiga doorashada aanu dhibaato inoogu noqon oo uu lambarka aan qaadanin uu yaraado.”
Kaadhka muwaadinka waxa  la qaadan doonaa doorashooyinka ka dib qof kasta oo reer Somaliland ah waqtiga dhalashadiisa  iyo dhimashada, xisbi ahaan waxaanu dadkeena ku dhiiri galinaynaa inay kaadhka muwaadinka qaataan inta ka horeysa doorashooyinka.” ayuu yidhi Xoghayaha Waddani Maxamed Cabdilaahi Uur-cade.
By: Idiris M. Xasan

Leave a Reply