Abu Qataada oo Dambi lagu Waayay

0
451

Wadaadka xagjirka ah ee Abu Qatada, oo laga masaafuriyay Britain 2013-kii ayay maxkamad ku taalla Urdun ku wayday wax dambi ah kaddib marki ay dacwad muddo dheer ku socotay.

Waxaa lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay qorshaynta falal argagixiso oo lala maaganaa xafladihii loogu dabaaldagayay markii dunidu ay u dabaaldagaysay sanadkii 2000 ee miilaaddiga.

Bishii lixaad ee sanadkan waxaa lagu waayay dacwad kale oo ku saabsanayd in uu kaalin ku lahaa miinooyin  lagu qarxiyay Urdun 1998.

Dacwadaas waxaa qaaday garsooreyaal shacab ah, laakiin waxa ay ku qaaden maxkamad  muran dhalisay oo ay leeyihiin laamaha amaanku.

Wariyeyaashu waxa ay leeyihiin inkasta oo Abu Qatatada dambi lagu waayay hadana in aan la filaynin in uu ku laabto Britan.

 

Leave a Reply