Nayjeeriya oo Baadheysa Hablo la sii daayay

0
672

Sida uu sheegay afhayeenka ciidamada difaaca ee Nigeria, Chris Olukolade, waxaa la sii daayay qaar ka mid ah hablo aan la xaqiijin waxa ay yihiin oo la sheegayo in afduub loo haystay.
Afhayeenka ayaa warfidiyeenka  u xaqiijiyay in qaar ka mid ah gabdhahaasi haddana lagu hayo xarun boolis.
Olukolade ma aanu  bixinin sharaxaad dheeraad ah oo ku saabsan tirada la siidaayay iyo sida lagu sii daayay, wuxuuna tilmaamay inay faafaahinta dib ka soo sheegi doonaan.
Waxa uu hadda xaqiijin karo oo keli ah waxay tahay in qaar ka mid ah hablahaasi ay xurriyadooda dib u heleen.
Kooxda Boko Haram ayaa dalka Nigeria ka afduubatay gabdho badan, iyadoo dowladda ay kula dagaallameyso dhanka woqooyi bari.
Hablaha ay afduubteen Boko Haram waxaa ka mid ahaa kuwa ay ka kexeysteen Iskuul ku yaalla magaalada Chibok.

Leave a Reply