Badhasaabka Togdheer Oo Dadweynaha Reer Burco Uga Digay Qaadashadda Hubka Fudud

0
424

Burco (Dawan): Badhasaabka  gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye ayaa dadweynaha ku dhaqan  magaaladda Burco iyo guud ahaan  gobolkaasi  uga digay isticmaalka iyo qaadashada hubka fudud, sida Baastooladaha iyo  Toorayda.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay wadaan wacyigelin ku saabsan joojinta hubka fudud, isla markaana ay diiwaangelinayaan meheradaha ka ganacsada ee iibiya hubkaas iyo farsamo yaqaannada sameeya.
Maxamed Muuse Diiriye,  waxa uu dadka ugu baaqay in aanay suuqa dhexdiisa ku qaadan  Toorayda, taasi oo uu tilmaamay inay sababi karto khasaare nafeed haddii loo isticmaalo dagaal.
“Waxaanu ka wacyigelinaynaa dadweynaha reer Burco isticmaalka hubka fudud, sida toorayda iyo budhka, iyadoo imika laga tagey mindidii caadiga ahayd oo la isticmaalo oo ay dadku qaataan faasas laga sameeyay kaabaannada gawaadhida, waana hub aad u fool xun, waa hub halis ah, markaa kolay xadaarrada, reer magaalnimada iyo nabadgelyada intaba way u daran yihiin, waxaanan leeyahay dadka reer miyiga ahi markay magaalada soo galaan, iyagoo hub sita, waa inay saldhigyada dhigtaan, dadka kale ee magaalada joogaana ay joojiyaan toorayda ay dhinaca sudhanayaan oo ay ka koraan, kana ilbaxaan, haddii ay dadku isku cadhoodaan oo ay is-dilaan, halkii ay gacan isula tagi lahaayeen ee ay is-feedhi lahaayeen, isla markaana khasaaruhu u yaraan lahaa, haddii toorayda la isu isticmaalo waxay keenaysaa khasaare nafeed.” ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye,  oo shalay u waramayay  Wakaaladda wararka ee Solna.
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watayna, waxa uu yidhi  “Qolooyinka tooriyaha sameeyaa waxay u sameeyaan inta badan hudheelada iyo dadka reer miyiga ah, labadaas midna uma diidanin oo ujeedooyin kala duwan oo caadi ah ayay u isticmaali karaan, dadkana ma lihin ha qaadanina, laakiin haddii aad samaysataan oo ujeedo gaar ah oo waxtar leh aad u isticmaalaysaan, waxaan leeyahay guryihiina ku haysta, qolooyinka sameeyana waxaan leeyahay tooriyaha yar yar marka laga yimaado faasaska waaweyn waa inaad u hubisaa cidda aad u samaynayso, isla markaana aad u samaysaan oo keliya hudheellada iyo cid aad damaanad ka qaaday oo aad diiwaagelisaan, si aanay ugu samayn dad iyagu tuugo ama waxyaabo halis nabadgelyada ku keeni kara u isticmaalaya, haddii samayeen hub aanay garanayn cidday u samaynayaan iyaga ayaanu u xidhaynaa.”
By: Siciid M. Askar

Leave a Reply