“Waan Ka Xumahay Dadka Tafsiirka Ku Samaynaya Dilkii Qori-lugud, Dad Waa Weyn Ayaa Sababo U Samaynaya, Waayo Qalad Wuu Dhacaa” Sheekh Aaden Siiro

0
430

(Dawan): Sheekh Aadan  Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro), oo ka mid ah culimadda reer Somaliland ayaa  cambaareeyay  dadka masuuliyiinta ah ee sida khaldan u turjumay dilkii dhawaan ka dhacay tuuladda Qori-lugud ee lagu dilay labadda sarkaal ee ka tirsanaa ciidamadda qaranka.
waxaanu ku baaqey Aadam Siiro  in wax kasta oo tamar iyo tacab ahba  lagu bixiyo  si aanu  falalkaasi oo kale dib dalka uga dhicin, si aanay nabadgalyadu khalkhal u gelin. Waxa uu sheegay inuu ka xun yahay dilka labada sarkaal ee ciidamada qaranka ka midka ahaa, isaga oo  xukuumadda ugu baaqey in la qisaaso cid kasta oo si u kas ah u geysatay dil, si looga hor-tago in dilku fududaado.
Sidaasina waxa uu ku sheegay khudbaddii salaadda Jimcaha ee shalay, oo uu ku soo qaatay dilkii dhawaan ka dhacay degmada Qori-lugud. Sheekh Aadan  Xaaji Maxamuud Xiirey  Isaga oo arrimahaais ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan ka mid ahay dadka ku qanacsan in waddankani noqdo waddan jira oo caddaaladdu xukunto, oo dadku u siman yihiin waxa ka dhexeeya isla-markaana rag gogoshii caddaalad tahay, dalkan sidaa dal ku noqonayo”.
“Dilkaa ka dhacay beriga (Qori-lugud) aad ayaan uga xunnahay, Somaliland waxa ugu sareeyaa waa Towxiidka, ILAAHAYNA waxa uu yidhi qofkii dila qof Muslim ah isaga oo u kasaya, qofkaasi cadaabta  ayuu gelayaa, ILAAHAY-baana u cadhoonaya, naxariistiisa ayuu ka fogeynayaa, waxaanu u diyaariyey cadaab, bal inta aayaddaasi ku jirta hanjabaad ku jirta eega. Maanta dilkaasi oo dil aad u fool xun ahaa, waxaanu ka xunnahay dadka Tafsiirka ku samaynaya, maaha in tafsiir lagu sameeyo, waayo qalad wuu dhacaa, dad waaweyn-baa sababo u samaynaya” ayuu yidhi Sheekhu.
Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud, waxa kale oo uu sheegay in dilka saraakiishu ahaa mid fool xun, isla markaana loo baahan yahay in xukuumadda iyo shacabku ay meel uga soo wada jeedsadaan sidii sharciga loo horkeeni lahaa  shaqsigii fuliyay.
“Arrinkaasi arrin adag ayuu ahaa, xukuumadda iyo ummaddu waa inay meel adag iska taagto, iyada oo kaliya ma aha ee dilka u kaska oo dhan waa in aynu wax iskaga ogaanno, waxaanuna aad u cambaareynaynaa dilkaa bariga ka dhacay, waxaanu aad uga soo horjeednaa sida u uu dhacay, waana shay aad u qaldan, xukuumadduna waa inay ka qaadataan go’aan ah in aanay arrimaha noocaas ahi dib inoogu soo noqonin, wax walbana waa in lagu bixiyo si aanay arrintaasi dib inoogu soo noqonin, waayo haddii dilkaasi fududaado nabadgalyada ayaa khatar galeysa, markaa xukuumadda iyo shacabka reer Somaliland-ba waxaanu ugu baaqeynaa inay fuliyaan qisaasta (Gacan ku dhiiglayaasha), ninka qof u kas dilaana nabadgalyada ayuu waxyeelayaa, ee cid gaar ah waxba ma yeelayo, ILAAHAYNA wuxuu leeyahay qofka qof kale u dila u kas in loo dilo (Qisaaso) ayuu khayrku ku jiraa”ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.
By: Khadar Cabdi Muuse

Leave a Reply