“Innaga Carruurteenu Inay ku Biiraan Ururradda Xag-jirka Ah, Waxaa Sabab U ah Internet-ka, Dadka Aan Islaamka ahayni Way Ilaaliyaan Carruurtoodda Marka ay Isticmaalayaan Computer-ka”

0
442

Hargeysa (Dawan): Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in adeegsiga dhalinyarada ee aaladda internet-ka  uu sabab u yahay in ay ku biiraan kooxaha  argagixisada  ee k a jira dalalka dunida  qaarkood sida Daacish.
Waxaanu sheegay Eng. Faysal,  in carruurta   Soomaalida ee ku dhashay  ama ku nool wadamadda  dibadda in la siiyo xoriyad shaqsiyadeed oo aad u badan, isla markaana aanay waalidkoodu la socon waxyaabaha ay qabtaan gaar ahaana marka ay Internet-ka isticmaalayaan  ee ay Website-yadda ay ku jireen.
Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu sidan ka sheegay dood ay shalay laanta af-Soomaaliga ee  idaacada BBC oo uu ka qayb galay, taasi oo  lagaga  hadlayay  dagaalka   kooxda Daacish,   kaasi  oo la sheegay in  ay ku biireen dhallinyaro Soomaali ah oo ka tagay dalalka  Maraykanka iyo Yurub, waxaanu tilmaamay in waalidiinta Soomaalidu ay dayacaan dhallinyarada, isla markaana aanay ka war hayn  waxa ay ku foogan yihiin ama ay sameeyaan.
Faysal Cali Waraabe oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Marka dhallinyarteena laga hadlayo waxay bilaabantay in ay ku biiraan Al-shabaab markii Maxaakiimtu qabsadeen magaalada Muqdisho ee Koonfurta Soomaaliya ee ay si wanaagsan u maamuleen ee la  burburiyay, ciilkii ka dhashay ee Itoobiya soo gashay ayay ka dhalatay in dhallinyartu maanta ku biirto kooxda Daacish.”
Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu tilmaamay in dhallinyarada  ku biiritaankooda Daacish ay sabab u tahay adeegsiga Aaladda internet-ka oo xidhiidh ku dhex mari karo.
waxaanu yidhi “Marka aynu eegno kuwa dibada jooga dadka aan Islaamka ahayni way ilaaliyaan carruurtooda, marka ay isticmaalayaan computer-ka  waxay ka ilaaliyaan inay website xun-xun  ay galaan, innaga carruurteena halka laga waalaa waxa weeye website-yadda. Wadaadadu masaajidada si fiican ayay u wadaan oo ay u wacyigeliyaan dhallinyarada Finland oo kale, markaa ma aha masaajidada oo keliya, waa  in waalidku ka ilaaliyo waxay qabanayaan, xorriyad badanna waa la siinayaa, waxbana loo sheegi maayo,  markaa waa inay ogaadaan waalidku halka ay ku maqan yihiin, waa in ay ogaadaan marka ay furaan internet-ka waxa ay dawanayaan ee ay ku jiraan.”
Guddoomiyaha xisbiga UCID oo hadalksiisa sii watay  waxa uu intaas ku daray, “Dhallinyartuna Daacish-na ma aha dad-na qoorta ka jari maayaan,  khilaafana  ma dhisayaan,  waxa geeyay inay ku biiraan kooxdaasi bani’aadam-nimo ayaa gaysay, dhallinyarteenana is-qarxina umay  tagin halkaas ee waxa gaysay marka ay arkeen naxariis darada ku dhacaysa dadka muslimka ah ee Suuriya, markii Ciraaq laga dagaalamayay ee horeba may tagin. Dhalinyarta Soomaalidu ee waxa jaanis siiyay Bashaar Al -asad  oo si xun u laayay dadkisii, taasaa galisay in ay ku biiraan kooxda Daacish, imikana waxa weeye in dawladduhu jaanis siiyaan sidii dib loogu soo celin lahaa dhallinyarada” ayuu yidhi Eng. Faysal.
 

Leave a Reply