Brazil oo Hawada ku sii daysay Kaneeco Manfac laga Raadinayo

0
418

Brazil ayaa kanaaco “fiican” hawada ku sii daysay.
Baadhayaal ka soo jeeda dalka Brazil ayaa hawada ku sii daayay kumanaan kaneeco ah oo uu jidhkooda ku jiro waxyaaba looga hortagi karo cudurka Dengue Fever.
Cudurkan ayaa ka dhasha kaneecada, waxaana uu ka  dilaacaa dhowr dal oo dunida ah.
Kaneecadan cusub, oo lagu tilmaamay inay tahay kaneeco “fiican” ayaa la filayaa inay ka badato kaneecada cudurka dhaliso, si loo dabargooyo cudurkaasi, oo halis weyn ku ah Brazil.
Mashruucani waxaa horkacaya xarun baadhitaan oo ka jirta dalka Brazil, waxaana sidoo kale laga fuliyay dalalka Australia, Vietnam iyo Indonesia.
Brazil ayaa ah dalka laga helo tirada ugu badan ee dadka uu ku dhaca cudurkaasi Dengue Fever, iyadoo 3.2 milyan oo ruux ku dhacay shantii sano ee la soo dhaafay.
 

Leave a Reply