Kenya oo Albaabada u laabtay Madarisad

0
509

Saraakiisha Kenya ayaa albaabada u laabtay  Madarisad, waxaana loo xidhay in ay ardada baraysay fikrado xagjirnimo ah.
Madarisadaasi oo ku taalaa Majakos ayaa 65km bari ka xigta magaalada Nairobi, waxaana la bar-tilmaameedsaday kadib markii la xidhxidhay dhalinyaro looga shakiyay in ay ku biirayeen ururka al-shabaab.
Waa markii u horaysay ee Madariso loo xidho arrin xagjirnimo la xidhiidha
Sarkaal booliis ah ayaa sheegay in madarisado  kalana ay ku xigi doonaan.
Afhayeenka wasaaradda arimaha gudaha Mwenda Njoka ayaa warbaahinta  u sheegay in go’aan lagu gaadhay in la xidho madarisadaasi oo lagu magacaabo xarunta Daarul-Irshaad oo la furay sanadkii 1997.
Uururka al-shabaab ayaa kenya ka fuliyay weeraro halis ah, iyaga oo sheegay in ay kaga aar gudanayaan joogitaanka ay ciidammada Kenya Joogaan Soomaaliya.
 
 

Leave a Reply