Ninka Daacish u Qaabilsan Qoorgoynta oo la Aqoonsaday

0
780

Hayadda sirdoonka Maraykanka (FBI) ayaa sheegtay in ay aqoonsadeen nin lagu tilmaamay inuu yahay  ninka qoorta ka jara la haystayaashii dilka ay ku fulisay kooxda Daacish.
Ninkaasi  oo loogu yeedhay Jihadi John ayaa ah  nin ka tirsan kooxda isku magacowday Khilaafada Islaamiga ah, oo isaga oo ku labisan dhar madow ka soo muuqday muuqaalo muujinaya lahaystayaal qoorta laga jarayo.
Waxa uu ka soo muuqday muuqaalo video ah, kuwaas oo muujinaya labadii weriye ee Mareykanka ahaa, James Foley iyo Steven Sotloff oo qoorta laga jarayo iyo weliba qoor ka jaradii David Haines oo ahaa samafale u dhashay Britaine.
In kasta oo ay hay’adda dembi baadhista ee Mareykanka ay ka gaabsatay sheegida magaca iyo dalka uu u dhashay ninkaasi, ayaa haddana mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Britain waxa ay sheegeen in uu u egyahay qof British ah.
Waxa ay u muuqataa in muuqaalada argagaxa badan ee uu soo bandhigtay ururka la magaca baxay Khilaafada Islaamiga ah, ay gacan ka geysteen taageerada loo hayo duqeynta cirka ah ee lagu bilaabay.
Balse duqeymahaasi ayaa la rumeysan yahay in ay mudo qaadan doonaan, maadaama uu ururka hadda gacanta ku hayo dhul ballaadhan oo ka tirsan Ciraaq iyo Suuriya.
 

Leave a Reply