Cali Guray Oo Magac Cusub Loogu Wanqalay Kaas Oo Ah MAS DIL. Magaaladda Hargaysa Oo Si Weyn Saaka Looga Hadal Hayay Magacaas

0
488

Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID, Muj: Cali Maxamed Yuusuf, ayaa loogu wanqalay magac cusub oo si weyn maalmahan  suuqyada iyo Huteelada Hargaysa looga hadal hayay.

magacaas oo uu u bixiyay Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buur-madow, oo kamid ah madax dhaqameedka Somaliland, Boqorka ayaa magacan u hibeeyay Muj: Cali Guray, magacaas oo ah MAS DIL, kaas oo tafasiishu ku baahday guud ahaan bulshada ku dhaqan Magaaladda Hargaysa.

Cismaan Buur-Madow oo arrintaasi ka sii hadlaya ayaa yidhi “Markaa Hadalka Cali Gurey, waxaan u arkaa xishood la’aantiisii hore uun, waayo waa nin dhaqan xun kaga soo barbaarey Fankinka (Xaafaddii La odhan jiray Fankinka Hargeysa). Hanjabaadahan uu bixinayo ee uu leeyahay waxbaan shaabuugeynayaana iyo cidbaa cid kale u warantana, anigu Ingiriisna Basaas umaan noqonin, dhul kalena kama noqon, dhul basaasnimada laga yaqaannana kumaan soo korin, Somaliland-na way is taqaanaa cidda u shaqeyn jirtay (u basaasi jirtay) iyo ciddii aan u shaqeyn jirinba, markaa ninkaasi maaha nin ku hadla hadal miyir qaba, waxaa uu ka hadlayana maaha wax aan dan ka leeyahay, waxaanu ku soo barbaarey shaqo xun oo berigaa Hargeysa looga yaqaaney MAS DIL, markaa maaha nin laga sugayo inuu cidna ixtiraamo ama ka xishood”.

 

Leave a Reply