Gacmo Wadajirka Xukuumadda iyo Shacbigu Waa Guusha Qaranka

0
505

Somaliland waxay soo martay marxalad kala gadisan oo mid walba ay lahayd waayaheega , wakhtigeeda iyo duruufteeda , waxay se ku soo gudubtay , oo ay kaga soobadbaaday dariiqa dheer ee ay soo martay mudo rubcu qarni , wada tashi, isku tanaasul , iyo ka horaysiinta danta qaranka iyo nabadgalyada sidaa oo kale wada noolaashaha iyo daris wanaaga taasoo aduunku uu ka dhigto tijaabo laga dayankaro oo daris u noqonkara dalalka Africa intooda badan.
 
Somaliland waa dal ay isku duuban yihiin shacbi iyo xukuumada , goloyaal qaran iyo xisbiyo qaran taasi waxay sahashay waxkasta oo khilaafaada oo yimaada in lagu xaliyo daganaansho , wadahadal , gaar ahaan wakhtigan xisbiga kulmiye ee uu dalka hogaaminayo oo  madaxwayne ka yahay siyaasi ruug cadaa ah , waayo arag ah , shacbigana soo hogaamiyay wakhti dagaal lagu jiray oo loo dagaalamayay xoriyada iyo dib usoo noqoshada qaran nimada Somaliland , taasoo taariikhada Somaliland ay ku  xardhantahay hogaamintiisii sideeda sano ee duurka lagu jiray
Waxaan ku hambalyaynaynaa shacbiga Somaliland gaar ahaan gobolada gabiilay iyo awdal oo ay ka soo jeedeen labadii sargaal ee xukuumadu gaar ahaan wasiirka madaxtooyada xirsi cali xaaji xasan iyo wasiirka arimaha gudaha mudane cali maxamed warancade si qodob qodob ah uga warbixiyeen kaalinta labada sarkaal ku lahaayeen Somaliland ilaahay ha u naxariisteed nabad galyadeeda .
Waxa kale oo qadarin iyo amaan mudan kaalintii waayeel nimada lahayd ee madaxwaynuhu ku hogaamiyay dajinta iyo laqabsiga eheladii iyo shacbiga somaliland geeridaa lama filaanka ahayd ee ku timid labada marxuun .
Sida caadada u ahay Somaliland madaxdaqameedka, wax garadka , aqoonyahanka iyo xukuumada waxaa lagu guulaystay in lawada gaadho go aamo wada qanciya cid walba taasoo ah guul taariikhiya .
Xisbiga wadani wuxuu arinta uga hadlay si aad uga baxsan wixii uu ka odhan lahaa arin dhacday oo ubaahan dajin iyo isku soo dhawayn waliba waxaa saran xil qaran marhaduu gudoomiyaha xisbiga wadani uu yahay gudoomiyaha golaha shacbiga oo ah ninka sadexaad ee qaranka markaa may ahayn in dab shido ee inuu dajiyo bay ahayd.
Waxaan si gaara mahad ugu celinayaa madax dhaqameed gubalka awdal oo arinta meeshii ugu wanaag sanayd iska taagay taasoo caada u ah shacbiga awdal iyo madax dhaqamaad keedu in ay waxkasta ka horaysiiyaan danta qaran ka oo magacooga uu ku hadlay walaal kay.
Saaxiibkay  suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil sidaasoo kale gubalka gabiilay oo ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee gush usoo hoyey xisbiga kulmiye iyo doorashadii madaxwaynaha axmed maxamed maxamuud siilaanyo , oo xilka gobalka saarani uu yahay mid taageerida  madaxwaynaha taasoo ay ku muujiyeen ficil iyo qawl waxaana manta ay muujiyeen in ay yihiin shacbi isku duuban oo kalsoonidoodii sii kordhiyay ay u hayeen xisbiga kulmiye waxaana erey taariikhiya uu yidhi ( midnimada iyo wada jirka markasta gacantaan ku haynaa taageeridii xukuumadana waan sii xoojinaynaa waxaanan leeyahay ku wii shalay qoslaayay manta ha aamusaan )suldaanak guud suldaan ismaaciil suldaan c/raxmaan oo ah suldaankii uu dhalay walaalkay marxuun suldaan c/raxmaan oo xidhiidh aad uwayni naga dhexeeyay suldaanka waxaan leenahay “ suladaan guulaysta adiga iyo madax dhaqameedka iyo shacbiga gabilay ee wanaag jecel”
 
Xasan Suudi xirsi
Siyaasi madax banaan.
 

Leave a Reply