Qaxootiga Magangalyo doonka ah oo Kordhay

0
412

Hay’adda qaxootiga adduunka ee Qaramada midoobay waxa ay sheegtay in ay kor u kacday in ku dhaw afar meeloodaw meel dadka magangalyada waydiisanaya dawladaha warshadaha ku hormaray.
Iyada oo ay dalalkaasi magangalyo waydiisteen saddex boqol iyo soddon kun qaybtii hore ee sanadkan.
UNHCR waxa ay sheegtay in kororka ay korortay tirada dadka magangalyo doonka ah ee sanadka 2014 ay u badan tahay in ay gaadho meeshi ugu saraysay mudo labaatan sano ah.
Labada waddan ee ay dadka ugu badan magangalyada waydiisteen waxa ay kala yihiin Maraykanka iyo Germany.
Hay’addu waxa ay sheegtay in ay ka walaacsan tahay saddex milyan oo suuriyaan ah oo qaxooti ku ah, Lubnaan Cumaan iyo Turkiga.
 

Leave a Reply