Ciidamadda Qaranka Oo Dhiciseeyay Isku Day Ay Wasiirro Puntland Ahi Ku Soo Galeen Xuduudda Somaliland

0
437

 “Bulshadda ku dhaqan deegaanka Dhahar oo  si diirran u soo dhaweeyay talaabadda  ay ciidamadda qaranku ku baacsadeen malaashiyaadka ka soo duushay Puntland”…
 Dhahar,(Dawan): Ciidamadda Qaranka ee Somaliland ayaa la sheegay in ay shalay xadka ka gudubsiiyeen, isla markaana ay gaadhsiiyeen meel u dhaw magaaladda Boosaaso,    Wasiirro ka socday maamul goboleedka Punt land iyo maleeshiyooyin  la socday oo  Sabtidii doraad ku soo xad-gudbay    magaaladda Dhahar ee gobolka Sanaag.
Wararka naga soo gaadhaya   deegaanka Dhahar ayaa sheegaya in  ciidanka qaranka Somaliland ee ku sugan gobolka Badhan ay awood kaga saareen halkaasi xubnaha Wasiiradda ah iyo maleeshiyadda la socotay ee maamulka majeerteeniya.
Wasiiradan iyo maleeshiyaadka reer Puntland  ee ay shalay  jabiyeen  ciidanka qaranka Somaliland ayaa la sheegay in ay  isku urursadeen  meel dibadda ka ah deegaanka Dhahar, iyadoo ciidamadda qarankuna ay ka war heleen dhaqdhaqaaqyadaasi  ka dib-na ay   ugu awood sheegteen  in ay  mar kale  wasiirradaas iyo ciidankii ay wateen-ba ay firxadkoodii kaga soo hadheen duleedka magaaladda Boosaaso.
Ciidanka Qaranka Somaliland ee xadka   dagaalka kaga saaray kooxda reer Garoowe ee soo duushay ayaa la sheegay in ay  sugeen  guud ahaan gacan ku haynta xuduudka Somaliland.
Xubnahan reer Puntland ee ku soo xad gudbay xuduudka Somaliland ayaa waxa ku jiray wasiirro, waxaanay hogaaminayeen ciidan maleeshiyo ah, kuwaasi oo ay ciidanka qaranka Somaliland ka tallaabiyeen ay xadka ay wadaagaan maamulka Puntland iyo dawladda Somaliland.
Kooxdan ka soo duushay dhinaca Puntland ayaa la sheegay in uu horkacayeen   wasiirro  uu ka mid yahay wasiirka  Xanaannadda Xoolaha ee majeerteeniya, isla markaana waxa xubno ka ahaa wasiir ku-xigeenka caddaaladda iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee maamulka Puntlnad.
Dhinaca kale, Bulshadda ku dhaqan deegaanka Dhahar ayaa  si diirran u soo dhaweeyay talaabadaasi ay ciidamadda qaranku ku baacsadeen malaashiyaadka Puntland oo ay
Sheegeen  in ay doonayeen in ay dhibaato colaadeed   deegaanka  ka abuuraan,  waxaanay wararka  deegaankaasi naga soo gaadhay sheegayaan  dadweynaha deegaanka gobolka Badhan ay caddeeyeen in ay si buuxda u garab taagan yihiin ciidamadda Qaranka.
 
Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
 

Leave a Reply