Hudheel Habeenka Keliyaata Lagu Seexanaayo 80,000 Dirham

0
462

waxa markii ugu horeysay laga sameeyey dalkaasi Chine Hudheel aan weli hore dunnida loogu arag, kaas oo  u dhisan sida qalcadaha boqoraddu geli jireen oo kale,waxaana habeenka keliyaata lagu seexanaa hudhelkaasi 570 dirham,waana hudheel loo ekaysiiyey waxyaalihii laga daawan jiray Filimada ,gaar ahaan kuwa ciyaalku daawadaan ee Cartoon-ka loo yaqaano.
Waxaana gudihiisa hudheelkaasi ku yaala dhisme weyn oo u eg qalcadaha boqoradda,iyada oo ku dul taala meel buur ah,sidoo kalena waxa xagiisa sare habeenka keliyaata lagu gaadhayaa 80,000 oo dirham lacag dhan.
Hudheelkan ayaa u eg mid khiyaali ah ,waxaanu u eg yahay guriga ku yaala dalkaasi Chine ,gaar ahaana magaalada lagu magcaabo Dalian ,kaas oo ay Qaramada midoobey ku dartay 500 ee magaalo ee ugu degaanka fiican dhinaca degaanka,waana magaalo raaxo loogu talo galay.
Waxaanay hudheelkan dadka dalxiiseyaasha ahi ugu magac dareen Hudheelkii Jacaylka,iyada oo iminka dib loo furay kadib markii lagu daray qaybo iyo qaabab cusub,sidoo kalena dib u habayn balaadhan lagu sameeyey.
Waxyaalaha Hudheelkaasi lagu soo kordhiyeyna waxa kamid ah meelo lagu dabaasho,sidoo kalena waxa lagu soo daray meelo lagu cunteeyo iyo kuwo kale oo loo isticmaalaayo sida magaalooyinka oo kale loogu tamashleeyo,isaga oo noqday hudheelada ugu waaweyn dunnida mid kamid ah.
Hudheelkan ayaa ku dul yaala mid kamid ah magaalooyinka ugu quruxda badan dekedahana ah ee dalkaasi Chine,iyada oo loo sameeyey meelo dabaasha loogu talo galay oo dhererkeedu gaadhaayo 450 mitir laba jibaaran ah,sidoo kalena meelo caafimaad ayaa loo sameeyey hudheelkaasi.
Hudheelkan ayaa leh 292 qol iyo 29 meelood oo meelaha fadhiga ah ee raaxada ah,waxaana habeenkii meelaha qaar ku kordha lacagta ,waxaanay gaadhaa ilaa 77,000 dirham.
 

Leave a Reply