Ku Raaxaysiga Cayda iyo Ceebeeynta Walaalkaa!

0
493

Ma Arkayseen sidaan u galay, Ceebtiisa Ayaan banaanka dhigay, dhulkaan Jiiday, waxba yahay ayaan kaga dhigay!  way u dhamaatay, waan fashiliyay! Eryadaasi waa kuwa ay ku gooddiyaan kuna faanaan kuwa u Jawaabay ama Warbaahinta ka weerara Muwaadin kale oo walaalkii ah oo laga yaabo inay kala Xisbi  yihiin ama Muxaafid iyo Mucaarid ay kala yihiin, waxaana muuqata in ay dhaqan inoo noqotay ku raaxaysiga bahdilaada lagu sameeyo Muwaadin walaalkaa ah oo Xil Qaran haya ama Xisbi mucaarid ah xubin ka ah oo aad fikirka siyaasadeed ku kala duwan tihiin, waxaana arrimahan ay bulshadeenu caadaysatay ay dhaqan burbur ku tahay Jiritaankeena Ummadnimo iyo Hidaheenii  Suubanaa ee aynu lahaan jirnay, waxaana loo baahan yahay in la soo afjaro oo laga fogaado is Ceebaynta, Aflagaada iyo Xumaanta Warbaahinta la isu marinayo.

Leave a Reply