Internet-ka Oo Markii Ugu Horeysay Lagu Soo Kordhiyey Meelo Lagu Saxo Kelmedaha Ingiriisida Ah

0
470

Bog cusub oo sici doona kelmada khaldama ee luuqada Ingiriisida ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah loogu soo kordhiyey aalada Internet-ka,taas oo dadku si sahlan uga bogan karaan waxyaalah ay qorayaan ,iyaga oo kala ogaanaaya inay khaldan yihiin iyo in kale .
Kooxda samaysay bogan ayaa sheegay inay ku dedaaleen sidii ay guul uga gaadhi lahaayeen samaynta bogan,iyaga oo la kaashaday khubaro caalami ah oo kala duwan,ugu dambayntiina kusoo daray bogaga la daalacdo ee Internet-ka.
“waxaanu in badan ku dedaalay in aanu kusoo kordhino Internet-ka bogan lagu saxaayo luuqada Ingiriisida ee aad qorayso qoraalkeeda,waana mid waqti badan naga qaadatay,laakin ugu dambayn waanu ku guulaysanay”.ayuu yidhi mid kamid ah kooxda samaysay bogan.
Kooxdan ayaa sheegay in aan 100% la odhan karin way dhamaatay hawshu ,sidoo kalena aan la odhan karin wuu wada saxayaa kelmadaha ,waxaanay sheegeen inay soo dhoweeyeen oo ay qabteen intii ay karayeen ,inta kalena ay sii wadi doonaan ,ilaa ay ka gaadhayaan inay bogaasi ka dhigaan mid wada saxaaya kelmadaha la qoro ee Ingiriisida ah.
Bogan ayaa lagu magcaabaa Grammarly.com,waana Website ku siinaaya siday kooxdani sheegtay kelmado saxa markaad ku eegto waxyaalahaad qortay,waxaanu ku sheegayaa inay saxsan yihiin iyo inay khaldan yihiin.
Kadib markaad qorto kelmadahan ayaa waxaad gelinaysaa kelmedihii oo aad soo koobiyeysay,iyada oo dib kugu soo celinaysa jawaabta saxda ah,kuna sheegaysa meelaha kaa khaldanaa.

Leave a Reply