Kitaabkii ugu yaraa caalamka oo lagu akhriyaayo Microscope Qiimihiisu yahay 15,000 oo dollar

0
478

Waxa dhowaan lasoo saaray kitaabkii ugu yaraa caalamka,kaas oo la sheegay in lagu akhriyi karaayo oo keliyaata Microscope qiimihiisu yahay $15,000 oo Dollar-ka Maraykanka ah,waxaanu ka kooban yahay kitaabkaasi yari 30 xaashiyood,waxaanay le’eg tahay waraaqdiisa keliyaataa tin kamid ah timaha dadka.
Kitaabkan yar ayaa waxa sameeyey nin lagu magcaabo Malcolm Douglas Chapli waxaana soo daabacay nin ay walaalo yihiin oo isna lagu magcaabo Robert,waxaana markii ugu horeysay lagu qoray jariirada lagu magcaabo Daily Mail.
Buugan ayaa ah mid lagu qoray maadada loo yaqaano crystalline silicon oo Pure ah ama aanay waxba ku badhxanayn,waxaana ku baxday sida la sheegay lacag aad u tiro badan,taas oo gaadhaysa ilaa $15,000 oo dollar ,waxaanu noqonayaa buugani marka lagu eego laguna akhriyo microscope  70 micrometer sees ahaan,sidoo kalena dherer ahaan ayuu noqonayaa 100 micrometer.
Waxanu sheegay Robert inay fikradani dhalatay sannadkii 2007-dii ,waxaanu sheegay inay ahayd waqtigaasi waqtigii loo ogolaaday inuu isticmaalo Microscopy-ga jaamacadda lagu magcaabo Simon Fraser,waxaanu sheegay inuu waqtigaasi go’aansaday inuu buugan ka dhigo 30 warqadood,sidoo kalena doorto mid kamid ah waraaqaha lambarada loo adeegsado buugta,waxaanu sheegay inuu ka dhigay lambaradaasina  417798498-879,waqtigaasina u bixiyey buugan buuga ugu yar caalamka,isaga oo buuga loo yaqaano Guinness-ka geliyey sannadkii 2012 kii.
Buugan ayaa sidoo kalena loo bedelay E-book,iyada oo lagu akhrisan karo mobile-ka ,inkasta oo uu weli noqonaayo mid yar.

Leave a Reply