Maxaad ka taqaanaa 10 wadan ee carabta ugu awooda badan ciidan ahaan?

0
1002

7: Urdun
Wadanka Urdun ayaa isna noqday wadanka toddobaad ee dalalka Carabta ugu awooda badan dhinaca ciidamada wadamada carbeed,sidoo kalena waxa uu noqday wadanka 67-aad ee caalamka ugu awooda badan,mana jiro wax dagaalo ah oo uu soo galay ,marka laga reebo duqaymaha dhinaca cirka ah ee waqtigan ururka Daacish lagula dagaalamayo oo ay dawlada dalkaasi sheegtay inay ku jirto.
Dadka dalkaasi ayaa ah kuwo lagu sheegay tiro ahaa inay gaadhaan 6.5 million oo qof ,waxaana lasoo qaatay tiro koobkii ugu dambeeyey ee lagu sameeyey dadka dalkaasi .
Ciidamada dalkaasi ayaa iyagana lagu sheegay inay tiro ahaan yihiin 100,000 oo askari ,kuwaas oo dagaal yahano u badan ,waxaanay tabobaro kala duwan ka helaan wadamo reer galbeed ah, gaar ahaana wadamada Ingiriiska,sidoo kalena wadanka Maraykanka ayaa gacan weyn ka geysta awoodooda dhisme.
Ciidamada kaydka ah ee wadankaasi ayaa iyaguna gaadhaaya 65,000 oo dagaal yahan ,kuwaas oo aan laga aqoon ciidamada kale,waxaanay yihiin kuwo aan wax hawla qaban ,ilaa loo baahdo mooyaane.
Dadka u shaqeeya ciidamada wadankaasi ee qabta adeegyada kala duwan ayaa iyaguna tiro ahaan gaadhaaya ilaa 2.8 million oo qof ,kuwaas oo adeegyo kala duwan u qabta ciidamadaasi, taangiyada wadankaasi ayaa iyagana lagu sheegay inay yihiin 1048 taangi ,kuwaas oo ah noocyada dalkaasi Maraykanka lagu farsameeyo.
Gawaadhida gaashaaman ayaa iyaguna ah 2881 gaadhi ,waana kuwo aad u tiro badan ,iyada oo aanay inta badan isticmaalin hubkan iyo gawaadhidan marka laga yimaado markay samaynayaa dhoola tuska iyo xusaska dabaal degooda mooyaane.
Diyaaradaha dagaalka ee dalkaasi ayaa iyaguna ah kuwo gaadha tiro ahaan 321 oo diyaaradood ,kuwaas oo ah kuwa miigaga loo yaqaano,waana kuwo inta badan garoomadooda fadhiya,iyadaoo dgaalka iminka ee Daacish lagaga soo horjeedaa noqonaayo dagaaladii ugu horeeyey ee ay ka qayb galaan.
Diyaaradaha gumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helicopters-ka ayaa iyaguna ah kuwo gaadha 118 diyaaradood,waana kuwo isugu jira kuwa dagaalka iyo kuwa ciidamada lagu qaado,iyada oo ciidamadooda baddana lagu sheego inay haystaan 39 doonyood ,kuwaas oo ah kuwo ay xeebaha ku ilaaliyaan.
Lacagta lagu maalgeliyo difaaca dalkaasi ayaa iyadana lagu sheegay inay tahay $1.3 million,taas oo ka badan waxyaalo badan oo wadankaasi laga qabto,waana meesha keliyaata ee awooda badan la saaro dhinaca difaacu.
 

Leave a Reply