Nin Bukaan Jiif ahaa Oo Maxbuus Isurogay

0
442

Birta internetka  GMI ee ay  adeegsadaan jaaliyadaha Filbin ayaa dabaacay shalay in nin ka tirsan jaaliyaddda Sacuudiga ee Filbiin oo shaqaale ah, magaciisana lagu sheegay Makromik  uu baahan yahay kaalmo dedgdeg ah.  Ninka oo da’diisu tahay 31 jir ayaa ah nin ka shaqaysta dalka Sacuudiga.  Makromik ayaa ka codsaday dawladda Filbin inay ka soo bixiso lacagta ay u haystaan dhakhaatiirta isbitaalka lagu daweeyay oo dhan 250 Kun Riyaal, halkaasi oo uu ku jiray muddo dhawr bilood ah.
Ninkan ayaa dhakhtarka la geeyay 16 bishii Mey ee Sanadkan ka dib markii koox aan la aqonsanin ay  dhaawacayo u geysteen, waaxana dhakhtarka u qaaday koox dad ah oo ka helay lama degaanka isagoo ay xaaladiisa caafimaad aad u liidato. Bukahan ayaa markii uu si buuxda u bogsaday ayuu Isbitaalku ka dalbaday inuu iska bixiyo lacagta lagu daweeyay, taasi oo markii ay ka waayeena ay u sheegeen inuu xidhnaan doono ilaa inta laga ixinyo lacagtaasi dhan 250 kun ee Riyal. (Wargeyska Every day Newspaper 26/09/2014).

Leave a Reply