Qoryaale: Kooxaha Kubbadda Cagta Oo Markii U Horaysay Tartan Loo Qabtay

0
469

Burco (Dawan):  Kooxaha Kubbadda cagta ee ka jira  degmadda Qoryaale ee gobolka Togdheer ayaa markii u horaysay shalay  waxaa dhexmartay ciyaar ay ku kala qaadayeen koob loo dhigay  kooxahaasi.iyada oo ay tartankaasina ka qayb qaateen afarta kooxood ee ugu waa weyn degmadaasi.
koobkaasi ay kooxaha kubbadda cagta ee Qoryaale dhigay isla markaana soo qaban-qaabiyay  xildhibaan Mubaarig  Yuusuf Cilmi (bidhi) oo ka mid ah xildhibaanadda  golaha deegaanka ee Gobolka Togdheer.
Xaflad lagu furayay isla markaana lagu xidhayay koobkaasi oo shalay gelinkii dambe  lagu qabtay garoonka kubbadda cagta ee magaaladda Qoryaale,   ayaa waxa ka soo qaybgalay badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diirye, xildhibaan Axmed Cabdi Dhimbiil iyo xildhibaan Siciid, agaasimaha guud ee  C/risaaq Ibraahim, Agaasimeyaasha Wasaaradda Ciyaaraha ee gobolka Togdheer iyo degmada Qoryaale, Madaxdhaqameed, Masuuliyiinta degmada iyo marti sharaf  kale oo aad u tiro badan.
Ciyaarihii tartanka koobkani oo socday hal maalin  ayaa waxaa ka qayb qaatay  afarta kooxood ee ugu waaweyn degmadaaasi oo kala ahaa Kooxda  Dawlada Hoose, Qoryaale United, Somtel iyo  Qorayale Secondary. Waxaana halkaasi ay kooxuhu ku soo bandhigeen ciyaaro aad ufiican. gaar ahaana Kooxda Qoryaale United oo halkaasi ku soo bandhigtay ciyaar aad loola dhacay oo soo jiidatay masuuliyiintii iyo dhamaanba dadkii daawanayay ciyaartaasi. Hase ahaate Waxa koobkaasi rikoodhayaal ku hanatay kooxda ku ciyaaraysay magaca Qoryaale Secondary School.
Gebagebaddii  xidhitaankii Ciyarahani  waxaa halkaasi hadalo ka soo jeediyay masuuliyiintii ka soo qeybgashay  koobkani, waxayna dhamaantood aad ugu mahad celiyeen xildhibaan Mubaairg  Yuusuf Cilmi (Bidhi)  iyo sida uu mar walba uga farxiyo dhalinyarada ku dhaqan  gobolka Togdheer, Iyadoo hakaasina koobab iyo abaalmarino lagu gudoonsiiyay kooxihii ka  qaybgalay tartanka  koobkaasi.
By: Faysal Xiis Weerar

Leave a Reply