Iskaashatadda kalluumaysiga Ceelaayo Oo Beeniyay In Laga Lunsaday Qalab Kallluumaysi Oo ay Wasaarada Maaliyaddu U Iibisay

0
429

Ceelaayo (DAWAN):Iskaashatadda kalluumaysiga  magaallo xeebeedka Ceelaayo ee gobolka Sanaag ayaa beeniyay eedaymo uu Xildhibaan Cali Bare oo
ka tirsan  golaha Wakiiladda  ku  jeediyay Wasiirka   kalluumaysiga
Cali Jaamac Buureed  inuu lunsaday qalab kallluumaysi oo ay wasaarada maaliyada Somaliland u iibisay kallumaysatada deegaanada Laasqorey.
Gudoomiyaha iskaashatada kaluumaysiga Ceelaayo Maxamed Aadan Cumar, oo
shalay khadka telifoonka ugu waramay wargeyska DAWAN isagoo ku sugan
degmada  Ceelaayo ee gobalka Badhan, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaymahaasi musuq-maasuq ee uu Xildhibaan Cali Bare ku eedeeyay in wasiirka Kalluumaysigu uu qalab ka lunsaday iskaashatadda Ceelaayo.
Waxaanu sheegay  Gudoomiyaha iskaashatada kaluumaysiga Ceelaayo, in aanu jirin  qalab laga musuq-maasuqay, isla markaana qalabkii uu wasaaradda  Maaliyadu u iibisay uu gaadhsiiyay wasiirka Kalluumaysigu.
Isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi   “Ma jiro qalab loogu tallo-gay kalluumaysata Ceelaayo oo nalaga lunsaday,  wasiirkuna qalabkii uu noogu balan qaaday wixii aanu qaybta u lahayn way na soo gaadheen, waxaana la noo keenay shan Matoor oo
Yamaha ah iyo toban shebag oo kuwa lagu kalluumaysto ah”.
Dhinaca kale  Gudoomiyaha iskaashatada kalluumaysiga ee  degmadda  Ceelaayo,  waxa uu sheegay in wasiirka Kalluumaysiga Cali Jaamac Buureed uu yahay masuulkii u horeeyay ee ka soo jeedda deegaankaasi ee u yimaadda, waxna  u qabta.
“Wasiirka kalluumaysiga ee imika xilka wasaaradaaasi hayaa
23 sanadood oo ay Somaliland jirtay waa wasiirkii ugu horeeyay ee
nooyimid waxna noo qabtay. Waxaan cadeynayaa hadaan  anigoo
ku hadlkaya magaca kalluumaysatadda Ceelaayo inaan wasiirku waxba naga
lunsan wax uu noo taro mooyaan’e.  ayuu yidhi Gudoomiyaha iskaashatada kalluumaysiga ee  degmadda  Ceelaayo.
By: Yoonis M. jaamac

Leave a Reply