Isbahaysiga Maraykanka oo Duqeeyay Warshado Saliida Sifeeya

0
413

Dayaaradaha isbahaysiga Maraykanku horboodayo ayaa bar tilmaameedsaday  warshado sifeeya saliida oo tiro ahaan gaadhaya afar,kuwaasi oo ay gacanta ku hayaan Daaacsihta Siiriya.
Sida oo kale waxa ay abbaareen  xaruntooda taliska.
Sida ay sheeganayaan taliska dhexe ee Maraykanku waxa soo baxaya tilmaamo muujinaya in lagu guuleystay weeraradaasi oo ay qaadeen dayaaradaha Maraykanka, Sucuudiga iyo Imaaraatka.
Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay Jabhadda Al-Nusra oo ka soo muuqday muuqaal internetka la soo galiyay ayaa sheegay waddamada ka qaybqaatay hawlgalada millitari ee ka dhanka ah Khilaafada Islaamka in ay gaysteen fal xun.
Waxa uu intaas ku daray in hadda ay ku iraan liiska kuwa ay bartilmaameedsanayaan mujaahidiintu adduunka meeshay doonaanba hakaga yaalaane.
Waddamada Carbeed ee kamid noqday gaashaanbuurta ay Maraykanku hogaaminayaana waxa ay ku tilmaameen Gaalo. Waxay sheegeen in ay arrintaasi saamayn ku yeelan doonto.
Hanjabaadaasi waxa ay timid iyada oo Turkigu ay ka baaraadagayaan in ay ku biiraan weerarada millitari ee caalamiga ah ee lagu qaadayo Daacish.
Wararku waxa ay sheegayaan in Baarlaamaanka Turkigu uu arrintaas u codayn doono maalmaha soo socda.

Leave a Reply