Macalinka Xumi Waa Siyaasiga ama Masuulka Caytama!

0
765

Iyada oo Muwaadin kastaa uu Xaq u leeyahay inuu Fikirkiiska cabiro, wax Mucaarido ama wax Taageero, sidoo kalana Siyaasiyiinta Mucaaridka iyo kuwa Muxaafidka ahiba ay xaq u leeyihiin inay difaacdaan mawqifyadooda si hufana ay bulshada ugu soo bandhigaan Barnaamujyadooda Siyaasadeed, ayaa dhinaca kale waxaa ku waajib ah inay si fiican uga Fiirsadaan ugana Fekeraan erayada afkooda ka soo baxaya, kana fogaadaan Cayda iyo Erayada Akhlaaqda dhaawacaya ee u gudbaysa Bulshada.  Cayda iyo Cambaaraynta joogtada noqotay ee maalin kasta ay Siyaasiyiinteenu  Warbaahinta isu marinayaan waa Cashar xun oo ay u gudbinayaan Carruurteena iyo Dhalinyaradeena  oo iyaguna wax caadi ah u arki doona in la is Caayo oo la la is Ceebeeyo kol hadii Siyaasiyiintii ay ku hiranayeen uu Caytanku Caado u noqday.

Leave a Reply