Masuuliyada Saaran Laamaha Warbaahinteenta kala Duwan

0
475

Waxaa waajib ku ah Masuuliyiinta Madaxda ka ah  Laamaha Warbaahinta ee kala duwan iyo Tafatirayaasaha Telefishinada, Idaacadaha, Jaraaidka iyo Shabakadaha Internedku inay si Masuuliyadi ay ku jirto u gutaan Waajibkooda, kana fogaadaan in Warbaahintooda loo adeegsado goob lagu faafiyo  Cayda iyo Aflagaadooyinka dhaqanka ka baxsan ee Siyaasiyiintu  hawada isu  mariyaan, waxaana ku waajib ah inay joojiyaan oo ay ka taxadiraan in wax Cay ah laga tebiyo warbaahintooda si loo dhawro dhaqanka Bulshada, loogana hortago in Cayda Siyaasiyiintu ay gaadho Carruurteena iyo Dhalinyaradeena oo ay   Arkaan, Maqlaan ama Akhristaan, waxaana looga baahan yahay in qofka ay War ama Waraysi ka duubayaan aanay ka ogolaan inuu Caytamo, balse si Sharaf iyo Akhlaaqi ku jirto uu Fikirkiisa u gudbiyo haddii uu yahay Mucaarid ama Muxaafidba.
 
Ugu Danbayn waxaan Usoo Jeedinayaa Siyaasiyiinta Dalkeena iyo Madax-dhaqameedyadeenaba inay soo Afjaraan oo ay ka fogaadaan Caadadan faasidka ah ee Cayda iyo Canbaaraynta Joogtada ah Hawada la isu marinayo, taasoo lafojab iyo Nusqaan ku ah Ilbaxnimadeena, Dhaqankeena, Aqoonteena iyo Ummadnimadeenaba.
 
Waad mahadsan tihiin
 
Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed
kaysar@diplomats.com
 

Leave a Reply