Mashruuc Biyo Balaadhin ah Oo Laga Fulinayo Burco

0
439

Burco (Dawan) Xaflad balaadhan oo lagu daah-furayay mashruuca Biyo Balaadhinta magaalada Burco oo laga maal-gelinayo mashruuca horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fund)  ayaa shalay  Lagaga dhawaaqay Magaaladaasi.

 Xafladan lagu shaacinayay  Mashruuca Biyo balaadhinta Burco ayaa  waxa ka soo qayb-galay Wasiirka Khayraadka  Biyaha Somaliland Xuseen Axmed Cabdulle, Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi Cabdirisaaq ibraahim,Masuuliyinta (SDF),   Badhasaabka Gobolka Togdheer , Duqa degmada Burco, xildhibaanno,Cuqaal, Siyaasiyiin, ururada haweenka, dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Ugu Horrayn waxaa halkaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Xuseen Axmed Cabdulle oo faah faahin  ka bixiyay biyo balaadhinta magaalada Burco iyo faa’iidada ugu jirta bulasahada reer Burco.

“Maanta (shalay) waxaynu daah-furanaynaa mashruuca Biyo Balaadhinta Magaalad Burco oo ka mida mashaariicda biyo balaadhinta ee Wasaarada  Biyuhu ay ku hawlan tahay,  kana heshay sanduuqa aynu leenahay ee horumarinta Somaliland “Somalilad Development Fund”,Runtii Waa Mashruuc Aanu Muddo badan Hawshiisa  soo wadnay si uu uga fulo  Gobolka Togdheer,Mashruucani waxaa uu qayb  muhiim ah uu ka qaadan doonaa sidii loo balaadhin lahaa Biyaha  magaalada Burco,    iyadoo runtii ah Burco magaalo aad u biyo badan isla markaana in la balaadhiyo oo biyo soo saar badan ay yeelataa ay muhiimadeeda leedahay,” ayuu yidhi Wasiirka Khayradka Biyaha.

 Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye oo  isaguna Dhankiisa Xafladaasi ka hadlay waxa uu yidhi  “Waxaan Ilaahay ugu mahad naqaynaa haddii aynu reer Burco nahay Inuu Illaahay Nimco gaar ah  Ama Si gaara Inoo siiyay Nimcada Biyaha oo Magaaladeenu ay qani ku tahay,  Biyaha oo nolosheenu ku xidhan tahay, markaa mashruucani Biyaha aad iyo aad ayaan u soo dhaweynaynaa, aad iyo aadna waanu u taageeraynaa,Bulshadda Reer Burcana waxaan ugu Baqayaa inay isbarbar Taagan hirgalinta Mashruucani.”

 Waxaa kale oo isna xafladdaas ka hadlay  Maayerka Degmada Burco Maxamed Muraad, ayaa balan-qaaday inay ka dawlad hoose ahaan ay dusha u ridanayaan sugida amnigooda dhulalka ay biyahaasi mari doonaan waxaanu yidhi

 “Meelaha beebabka la soo marinayo in badan baa laga hadlay maaha wax dadweynaha reer Burco la soo marinaayo oo la odhanayo raali ma ka nahay ee masuuliyadeeda Annagaa  leh, Halka ay assignment(ugu tallo galeen) Injineeradu ayaanu marinaynaa, amnigana   annagaa ka musuul ah, beebku meesha uu marayana annagaa ka masuula, beebku haddii uu dhulka hoose galana waa hanti dawlada hoose leedahay,” ayuu yidhi Maayarka Magaladda Burco.

By:Faysal Xiis Weerar(Afgaab)

Leave a Reply