Dhibaatada Maskaxda Ee Technoolagiyada Casriga Ah

0
461

Cilmi baadhyaal Ingriis ah ayaa daah furay in isticmaalka qalabada isgaadhsiinta casriga marka la wada adeegsado ay niyadda qofka iyo maskaxada aadamiga waxyeelo u geysato.
Sida uu ku sheegay khabiirka Cape Ki-Luo oo ah aqoon yahan dhinaca  neerfaha ah kana tirsan  University of  Sussex qoraal uu sameeyay kaasi oo uu cadeeyay in farsamada isgaadhsiinta caalamiga ahi ay maanta gaadhay heer aan la qiyaasi karin, taasina ay barbar socoto raadayn weyn  oo dhinaca bulshada , nolosh , barwaaqad iyo caadifada qofka.
Cilmi baadhayaasha ayaa daraasad ku sameeyay 75 qof oo waayeel ah  , kuwaasi oo la qiyaasay qalabka isgaadhsineed iyo technologiyada casariga ah ee ay inta badan adeegsadaan iyo heerka dareenka maskaxeed.
Saynisyahanadu waxay ogaadeen in uu jiro xidhiidh dhow oo ka dhexeeya qaab dhismeedka maskaxda iyo isticmaalka qalabadan casriga ah is ee garab socda, taasi oo muujinyasy in qofka hal mar wada adeegsada ay dareenkiisa maskaxada isbedel , raad iyo wareer badana ku keento. Waxaana ay intaasi ku dareen in loo baahan yahay cilmi baadhis dheeraad ah oo intan ka badan si xalkeedana loo helo.
 

Leave a Reply