“Waa Lagu Hubeeyey oo Aqoon baa lagu Baray, Balse Horumarku waa Mid Adiga kugu Xidhan”

0
395

Hargeysa (Dawan)-Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka hadlay xaflad casho sharaf ahayd oo uu habeen hore u sameeyay 793 arday oo ka qalin-jabiyay jaamacadda Hargeysa.
 
Wasiirku waxa uu qoraal uu kaga waramayo dar-daarankii uu u jeediyay ardayda ka soo aflaxday jaamacadda ku baahiyay mareegtiisa internet-ka ee guusha.com, waxaanu yidhi “Waxay ahayd Isniintii todobaadkan  kadib markii 793 Aqoonyahan, Halgame iyo Halyeey ay ka soo qalinjabiyeen Jaamacadda Hargeysa. Waxaan wada qaadanay habeen hore Casho Sharaf muhiimadeedu ahayd duco,dardaaran iyo Hambalyo aan guudkooda sudhno 793-ka arday ee ku soo biiray Aqoonyahanka iyo indheergaradka dalka. Waa dhab oo dahab walba oo qiimo badan waxaa ka sareeya ciid iyo qashin faro badan oo u baahan cid ka soo qoda, haddaba, maanta kadib adigaa lagaa rabaa in aad halkaa hore uga sii socoto mar haddii caalamka laguu soo saaray. Waxaad tahay jawharad iftiimaysa oo caalamku ka dhur sugayo, ee marka hore is ogow qiimaha aad leedahay!.”
Ogow, qiimo kuma lihid Qoladaada iyo Quruxdaada ee waxaad ku Qiimaysan tahay Aqoontaada , Garashadaada iyo Damiirkaaga. Waayaha adduunku marba meel ayuu Marayey dhalinyarada reer Somaliland-na marba caqabad ayaa haysatay ee bal ila eeg taariikhdan si aad u qiimayso adiga iyo iyaga midkee dharaaro adag soo maray!.
Dhalinyarada Somaliland iyo Waayihii Gobonimo doonka
Dalka iyo dadka waxaa soo maray wakhti ka horeeyey 1960 oo ay Maxmiyad u ahayeen Boqortooyada Ingriiska, waad qiyaasi kartaa nin la haysto iyo waayihii oo war badan male,
Dhalinyaradu wakhtigaas waxay u Tacabiri jireen Carabta oo markaas faqrigu gonda dhigay, wakhti xaadiraas ma lahayn shaqo waafiya ama Tacliin ay ku tanaadaan ee waxay galeen kud ka guur oo qandho u guur.
Waa kii Abwaanku lahaa isagoo sawiraya muuqaalka xaaladii ka qabsatay safarkaas indho isku qabadka ahaa :
Mar haddaanan teeb iyo waraaq teybal dhiganaynin
Turjubaan afkiisii haddaanan ugu tiraabaynin
Mar haddaanan faaltow tegiyo turugsi raacaynin
Kol haddanan telifoonka iyo taarka qabanaynin

Marse hadduu tabtaa yahay kuwii teedhi seben joogey
Way tala xumaan Maxamadoow tanoo andhawrtaaye

Dalkii ku noqod ma leh oo gumayste ayaa jooga, dibed-na joogis maleh oo Caqli iyo Cuud midna kuu kordhi maayo bal adba!
Dhalinyarada Somaliland iyo Waayihii 1960 kadib

Kadib markii gobonimada laga qaatay Maxmiyadii Ingriiska, waxaa si aan hubsiimo lahayn loo galay mugdi markhaati ma doon ah oo markale dib uugu ceshay dhalinyarada wax aanay filayn!
Xaaladu xiligaas xoolo hel way dhaaftay oo Xoriyad doon ayey maraysay, waxaa la waayey wax walba oo xaq iyo xuquuq loo lahaa.
Wax habeenku dheeradaba markale ayey cadceedii xoriyadu soo baxday oo waxaa la sudhay calan ciil badan loo qabay.
Dhalinyarada Somaliland iyo 1991..
Waxaa markaliya la helay calan iyo ciid xor ah balse waxaa ku beegnaa wakhti wax walba dumeen!
Waxay taladu wakhtigaas gacanta u gashay nin qori sita oo loogu yeedhi jiray Dayday wakhti xaadirkaasna collaada iyo nabada isagaa goyn jiray oo go’aankeeda lahaa! Waxay ahayd xili caqliga iyo cilmigaba ninkaasi beerka kaga fadhiyey oo qorigu ahaa awooda la dhegaysto codka rasaaastuna kamid tahay nolol maalmeedka caadiga ah.
Bal adigu sawiro marxaladaas ragga noolaa ee nolosha ka quusan waayey isla markaana rajo badan qabay Alle-na tallo saaranayey!
Dhalinyarada Somaliland iyo Maanta
Amniga iyo Amaanku waa muftaaxa nolol bogaadin leh cilmiguna waa jiheeye nolosha kugu hagga, Illaahay fadligii waxaan haysanaa jawi caawinaya wax walba oo horumar ah mid nafeed iyo mid qaran-ba ,  Maanta waa maalin aad xor u tahay caqligaaga aanad heli karto cilmi ku kaba. Waa maalin saaxada aan u sifaynay qof walba oo raba in uu nolosha saamayn kaga tego, waa maalintaan sugaynay.
Haddaba, Maanta oo kale ha wer-werin Waayo waxaad leedahay mustaqbal fiican oo iftiimaya, qof kastana waa dedaalkiisa iyo kaalinta uu ka doorto nolosha. 7Ku Kalsoonow Naftaada , Dalkaaga Iyo Dadkaaga Hana Qawadin Nasiibkaaga Ee Ku Qanac Wixii Alle Kuu Qoray
Ugu dambayn waan idiin ducaynayaa waanan idin hambalyeynayaa waxaanan idin xasuusinayaa in Calafka iyo Camalkuba yihiin kuwo qoran ee aad la timaado Cibaado iyo Cilmi
Waa kii AUN ABWAAN : Ismaciil Mire lahaa:
“Qof kastoo kabtiya ama kallaha ama kur dheer fuula
Bad kalluun ku jirra kollay ku tahay amase koob shaah ah
Ninba kadabkii loo qoray Illaah wuu la kulansiine
Inaan ruuxna soo korodhsanayn kaa ha la ogaado.”

By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply