Gabadh Middi Ku Dishay Nin Kufsanayay

0
433

Gabadh u dhalatay Dalka Urudun ayaa galabtii Axadii middi ku dishay nin dhalinyaro ah oo gurigeeda ugu soo dhacay, ninkan oo isku deyay inuu gabadhan faraxumeeyo. Gabadhan ayaa middida si toos ah wadnaha  ugaga dhuftay. Waxayna maydkiisa ka tuurtay daaqada gurigeeda.
Maydka wiilkan waxa Isbitaalka u qaaday Booliiska oo goobta yimi. Dadka jaarka ah iyo dad kale oo goob joog ahaa ayaa cadeeyay in gabadhu ay gurigeeda iskaga jirtay , markii uu u dhacay wiilkan doonaya inuu fara xumeeyo. Booliska ayaa arintan gacanta ku haya  si loo xaqiijiyo sababta dilka.  (Arab News).

Leave a Reply